Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2875

January 16, 2012                                                                           Safar 24,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Wuxuu Marayaa Dariiqii Uu Maray Gorbachev-Kii Midowgii Soofiyeeti Gacantiisa Ku Burburay

C/risaaq Suudi Nuur

Markii la qarxiyey daarihii ganacsiga ee aduunka 11-kii September 2001-dii Madaxwaynihii Maraykanka ee xiligaasi Buush wuxuu codsaday sharci u ogolaanaya in sirdoonka Maraykanka ee CIA ay dhagaysan karaan Telephonada dadku ku wada hadlaan si loo ogaado xidhiidhka Argagixisada caalamka, waxaanay ku qaadatay in loo ansixiyo shan sano ka dib halka uu Madaxwayne Siilaanyo markii uu u hanjabay Horn Caple TV iyo markii uu albaabada u xidhay waxa u dhaxaysay sideed sacadood oo kaliya, Madaxwayne Siilaanyona waxaa iskaga khaldamay warbaahinta madaxa banaan iyo shirkii Taleex.

Hadaba Mikhail Gorbachev wuxuu dhashay 2 march 1931-kii, waxa uu shahaadadiisii digriiga ku diyaariyey jaamacada Moscow State University, 1955 isaga oo ku takhasusay cilmiga Low ama sharciga, sidoo kale waxa uu shahaadadiisii Masters Degree ku diyaariyey Institute of Agriculture isaga oo bartay Agricultural Economics, stavropo. Xaaskiisa waxaa la odhan jiray Raisa Gorbachev, golaha dhexe ee xisbigii hanti wadaaga wuxuu galay 1971-kii golaha sare ee Sofiyadkana wuxuu ka mid noqday 1974-kii Madaxwaynaha Soofiyadkana wuxuu noqday 1985-kii, midnimadii midowgii Sofiyadkuna waxay gacantiisa ku burburtay 1991-kii hadaba gooni isku taagii iyo aqoonsigii caalamiga ahaa ee la sugayey maanta wuxuu taagan yahay Siilaanyaa kula daydayi daalna kaa badan, oon doona hayn inaad heshaana daayin abidkiin, dadkuna moodi duul wada dhashay oo wax u dahsoonayn, kaasina dalo male aakhiro haddii loo kitaab dayo.waxay dadwaynaha somaliland intooda badani iskula wareegayaan siilaanyo sidaynu moodaynay maaha kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota. Waxaa jiray sanadkii 1968kii sheekh la odhan jiray qaadi maxamuud waxaanu dumarka ku meherin jiray mid ka mida magaalooyinka jamhuuriyadii soomaliya inta badana qaadiga gabadha meherinayna waxa la isula imadaa marka arinka la isla soo meel dhigo meherkana laga soo heshiiyo inta badana taariikhdaa aynu soo sheegnay waxa dumarka lagu meherin jiray tiro geel ah hadaba ninkan odayga ah ee qaadi maxamuud marka uu labada qof ee is mehersanaya waydiiyo in ay ka soo heshiiyeen meherka ee loo sheego tirada geela ee lagu soo heshiiyey magaca ninka iyo ka gabadhana loo sheego ee uu meherka ku dhawaaqayo ayaa waxa uu hal-hays u lahaan jiray hebeloow midigtaada ii dhiib oo ninkii uu gabadh uu u meherinaayey marka uu midigtiisa u dhiibo ayuu odhan jiray waxaan idhaahdo iga daba dheh waxaanu odhan jiray heblaayo hebel hebel oo xilo jano ah waxaan kuugu guuriyey ama kuugu meheriyey intaas oo halaad oo geela ma ku guursatay markaasuu ninkuna ka daba odhan jiray haa waan ku guursaday, hadaba qisadan aynu qoraalkan uga dan leenahay waxay ka dhacday mid ka mida magaalooyinka jamhuuriyadii soomaliya waxaan jiray nin ka mid ahaa ragii wakhtigaa talin jiray oo la odhan jiray cawan cartan geedi oo gabadh ay soo heshiiyeen ay isula imaadeen qaadigii magaalada si uu isula meheriyo hadaba markii uu qaadi maxamed ku dhawaqayey meherka wuxuu yidhi cawad cartan geediyoow waxaan kuu  meheriyey oo intaasoo halaad kugu meheriyey heblaayo hebel hebel oo xilo jano ah ee ma ku guursatay waxaanu ugu jawaabay Haa waan ku guursaday hadaba markii la isla guryo tagay habeenkii koowaadba waxaa soo baxay wax lama filaana, subaxnimadii danbe ayuu cawad cartan soo galay xafiiskii qaadi maxamuud isagoo ordaya meeshana laga buuxo waxaanu ku yidhi qaadi maxamuudoow shalay hadaaya heblaayo hebel oo xilo jano ah halkaa aad fadhido ma iigu meherisay wuxuu ugu jawaabay Haa wuxuu ku yidhi dee noqon wayday, hadaba aniguna waxaan leeyahay haddii dadwaynaha somaliland ay doorteen madaxwayne isagu talinaya in uu siilaanyo noqon waayey wixii loo dortay go’aamada uu ku dhawaaqayaana ay yihiin kuwo inta badan ay saamayn ku leeyihiin dumar iyo caruur hadab isku soo wada duuboo Madaxwayne siilaanyo wuxuu marayaa dariiqii uu maray Gorbadhev-kii midowgii soofiyeetii gacantiisa ku burburay.

Cabdirisaaq Suudi Nuur

Tel: 4425243

Hargaysa Somaliland