Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2880

January 22, 2012                                                                           Safar 28,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Furayaasha Horumarka

Buugan oo uu qoray qoraaga da’da yar ee Aadam Maxamuud Maxamed (Adam widhiidh) waa buug xambaarsan waayaha kala duwan ee nolosha, Waxana uu qoraagu buugan ugu magacdaray  furayaasha horumarka,Q.13AAD …………………………………..

3:jaabir ibnu xayyaan:

waxa uu noolaa jaabir waqtigii haaruun al-rashiid waxaana uu ahaa doctor, chemist, bal waxa la odhan karaa aabihii chemistry-ga maxaa yeelay terminology-giisii iyo eray bixinadiisii ilaa iyo maanta waxa la isticmaalaa sida ALKALINE oo uu isagu u bixiyay alqalawi eraygii al qalawi ayey u bixiyeen alkaline waayo english malaha xarafka qaafka reer galbeedkuna badanaa kuma dhawaaqi karaan xarafkan, sidoo kale ALCAHOLE oo uu isagu u yaqaanay alqawl markaas bay kari waayeen oo ay u bixiyeen al-cohole kadib bay carabtuna baaska reer galbeedka qaateen oo ay u bixiyeen al-kuxuul waxa kaloo uu ahaa ninkii soo saaray magnisium dioxide.

4: abuu rayxaan al-bayruuni:

wuxuu ku dhashay usbaakistaan waxa uu ahaa caalim aad iyo aad u miisaan culus kana mida culimada adduunka waxaana uu ahaa nin taariikh-yahana, suugan-yahan,physicyst ah, sidoo kale wuxuu ahaa juqraafi-yahan caana oo xisaabyahanadii waqtigiisa joogay mid ka mida kuwa ugu waawayn, waa ninkii soo saaray 18 elements(curiyayaal) mid walbana inta uu cufkiisu yahay waa ninkii sheegay ilaysku inuu ka dheereeyo codka.

 Awoowayaasheenii cilmiga loo daba fadhiisanayey waa kuwaa hadaba maanta inagu halkaynu joognaa??

Horta waxa aynu leenahay waqtigan xaadirka ahba saynisyahano caan ah oo uu ka mid yahay  axmed zuhair  waa physicst misri ah oo ka midaa dunidan raga ugu sceientist san iyadoo haddana hogganka laynaga haysto.

Maxaa ina kala duway inaga iyo culimadeenii hore:

1:iyagu waxa ay ahaayeen rag cilmiga u haysta inay ilaahay ugu dhawaanayaan

2:sidoo kale waxay ahaayeen niman aan cilmiga wax lacaga ku qaadan waxa caalimkastaa uu kursi ku lahaa masjidka oo ay halkaa ugu jireen kuwa dhiganaya physics-ka,chemistry-ga,biology-ga iyo stronomy-ga.

tusaale fiican ayaan u soo qaadan doona culimadii qiimaha lahayd waxaa ka mid ah alle ha u naxariistee:

*ibnu taymiyah:

waa abul cabbaas axmed ibnu cabdilxaliim ibnu cabdi salaam ibnu cabdilaahi ibnu abilqaasim, waxa uu ku dhashay magaalada loo yaqaano xarraan maalin isniin ah 641kii hijriyada. Fiqiga iyo usuushiisa waxa uu ka dhigtay aabihii waxa kaloo uu waxka dhigtay 

 {  shamsudiin, zaynudiin ibnul munjaa,ibnul cabdilqawi}.

Dabadeedna wuxuu qaatay kitaabka siibawayhi ilaa uu sugay oo uu fahmay carabida iyo furuucdeeda, kadib wuxuu ku dadaalay xadiiska waxa uu dhigtay ummahaatul-sitta iyo musnad-ka imaamu axmed waxa uu bartay dhawr jeer, dabadeed wuxuu sugay usuulul fiqiga iyo tafsiirka quraanka ilaa uu caalim noqday sidoo kale waxa uu sugay faraa,idka, algebra iyo xisaabta qeybaheeda kale, dabadeed wuxuu bartay falsafada ilaa baaric uu ku noqday, waxa uu u ban-baxay inuu raadiyo falaasifada kuwii uwaa weynaa sida (ibnusiinaa,faaraabi) iyo raggii la midka ahaa , waxa uu markaa ahal u noqday inuu fatwoodo waxa uu wax dhigida bilaabay isaga oo labaatan kayar, cilmul xadiiskana caalim buu ku noqday waxa uu ahaa midaad u xifdi badan, garashadiisu ay sarayso iyo maskaxdiisu , aabihii waxa uu ahaa mid ka mid ah culimada ugu waawayn madhabka xanaabilada, markii uu aabihii dhintay waxa uu badalay aabihii da,adiisuna waxa ay ahayd 19 sannadood markaas ayuu caan noqday.

waxa uu yidhi abuu xafsa cumar ibnu cali albazaar:( mar ka uu akhriyo sheekhu aayadaha quraanka oo uu dhexgalo waxa uu ku dhamaysan jiray waqtiga oo dhan isagoo aan ka gudbin ayaad badhkeed sharax daraadii)

waxa laga sheegaa ibnu taymiyah in uu ka eegi jiray aayadii kastaba boqol kitaab oo tafaasiir ah, wuxuu yidhi ibnu kasiir(( waxa uu uga aqoon badnaa madaahibta fiqiga ah raga culimada ah ee ku jira madaahiibtooda waqtigiisii iyo waqtiyadii kaleba wuxuu caalim ku ahaa carabida iyo naxwaha iyo usuusha iyo furuucda xadiiskana calanka ayuu u siday wuxuu caalim ku ahaa sidoo kale culimada xadiiska iyo falsafada))

Waxa uu yidhi ibnu daqiiqal ciid (( ibnu taymiya waxa isugu tagay cilmiyadii oo dhan, cilmig waliba indhihiisa hortooduu yaalaa markaasuu qaadanayaa kuu doono, kana tagayaa kuu doono)) waxa uu soo saaray ibnu taymiya culimo calanka usida ragii ka danbeeyey sida:

1:ismaaciil ibnul kathiir  2:imaam al-dahbi

3:ibnul qayim al jawsi  4:ibnul muflix al xanbali

5:al xaafid ibnu cabdil haadi.

Haddaba wuxuu noolaa sheekhu 57 sannadood waxa uu qoray 350 kitaab.

LASOCO…..