|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2881 |
January 23, 2012 Safar 29,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Madaxtooyada Oo Xildhibaan Nac-Nac Soo Fartay In Wasiirka Ciyaaruhu Shaqada KaEryo Marwo Ismahaan, Sheegtayna In Madaxweyne Siilaanyo Ay Culays Ku Saareen Haween Kulmiye Ka Tirsan Hargeysa, January 23, 2012 (Haatuf) - Agaasimihii maamulka lacagta ee wasaarada Ciyaaraha marwo Ismahaan Yuusuf Cali oo dhawaan uu xilka ka qaaday wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaruhu Cabdi Siciid Faahiye ayaa sheegtay in Wasiirku u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) uu u soo faray inuu xilka ka qaado, taas oo tilmaantayna in haween xisbiga Kulmiye ka tirsani ay Madaxweyne Siilaanyo Culays ku Saareen inuu shaqada ka eryo. Marwo Ismahaan oo ka mid ah agoontii SNM ayaa ku sababaysay in wasaaradaasi oo ay ka shaqaynaysay muddo Afar sanadood ah xilka erigeeda lagu sababeeyey inay ka tirsanayd xisbigii UDUB, taas oo tilmaantay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenku C/raxmaan Saylici ay isku maandhaafeen xaqdarada shaqada lagaga eryey. Marwo Ismahaan waxay sidaasi ku sheegtay mar ay xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka ugu warantay, isla markaana sheegtay in shacbiga reer Somaliland ay ka dhur sugayso dareenka ay ka muujiyaan talaabadaasi xaqdarada ah ee shaqada lagaga eryey. Iyadoo arintaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi “Anigoo ka mid ahaa aqoonyahanadii nidaamka xisaabeed iyo miisaaniyada seeska u dajiyay wasaarada ciyaaraha markii la asaasay lana shaqayn jiray, ayaa markii xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo waxa uu wasiirka ciyaaruhu Cabdi Siciid Faahiye uu dhawaan igu yidhi kaama maarmayne xilka maamulka lacagta wasaarada aan kuu magacaabo ee nala shaqee, ka dib waxaan ku idhi aan ka soo fikiro, balse 2 January 2012-ka ayuu wasiirku ii magacaabay agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta dabeeto waxaan xilkii la wareegay 5 January, nasiib daro-se maalintii dambe waxa wasaarada igu soo weeraray wasiir ku xigeenka caafimaadka marwo Nimco Xuseen Qawdhan iyo haween wasiiro qabaan oo ay ka mid tahay gabadha wasiirka isgaadhsiinta Layla Cismaan iyo Aamina timo dheer, xafiiska iigumay soo galin, balse barxada xafiisyada hortooda ayay ka caytameen oo ay ka yidhaahdeen maxaa faqashta loogu magacaabay xilkan, ka dib markii ay wasiirkii waayeen ayay Madaxtooyada u yaaceen iyagoo qaylinaya, maalintii ka danbaysay ayuu wasiirku ii yeedhay Cabdi Siciid Faahiye markaasu igu yidhi odaygii Siilaanyo ayaa xildhibaan Nacnac ii soo diray oo igu yidhi gabadhan xilka ka qaad sidii baan anna wasaarada kaga soo baxay” Marwo Ismahaan waxay intaa ku dartay “Khilaafkan Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee la yidhi wuxuu ka dhashay arrintii xaqdarada ahayd ee xilka laygaga qaaday, aniga Saylici shaqada imakeenin manuu ogayn, balse markii Siilaanyo yidhi shaqada halaga eryo ayuu ku yidhi maxaa shaqada looga eryayaa miyaanay muwaadinad ahayn, waliba caruur agoona ayay idiin haysaaye maxaa iyada lagu haystaa xubno kale oo Udub ahba waa la magacaabaye, sidaa darteed khilaafka Madaxweynaha iyo kuxigeenka markii hore waxa uu ka dhashay cadaalad darada shaqada la igaga fadhiisiyay oo uu Madaxweyne ku xigeenku gaashaanka ku dhuftay. Hadaba anigu waxaan ka war sugayaa jawaabta ay shacbiga reer Somaliland ka bixiyaan cadaalad darada foosha xun ee igu dhacday, iyadoo aanan garanaynin sababta xuquuqdayda loo duudsiyay, waxaan haystaa caruur agoon ah oo Aabahoodna ka mid ahaa Mujaahidiintii ururkii SNM oo 14 ah, waxaanse u arkaa in shaqadaasi la iigu diiday qabyaalad iyo gobolka aan kasoo jeedo ee Awdal, waxaanan leeyahay shacbiga reer Awdalow waxba la idinma ogola Siilaanyo ee aniga igu quus qaata dulmiga igu dhacay iyo qabyaalada la igu eryay” Dhinaca kale dhaartii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka kula wareegay 27 july 2010-kii iyo khudbadii uu ka jeediyay ayaa uu ku cadeeyay inuu shacbiga Somaliland cadaalad iyo sinaan ku xukumi doono, ciddii ka codaysay iyo intii u codaysayna uu Madaxweyne u wada yahay, hase yeeshee dhacdada gabadhan shaqada lagaga erayay ay noqonayso fadeexadii ugu xumayd ee ka dhacda xukuumada Siilaanyo ee lagula kaco haweenay muwaadinad ah, isla markaana haysata caruur agoon ah oo aabahood ka mid ahaa Mujaahidiintii ururkii xaq u dirirka SNM ee dalka xoreeyay Mujaahidkaasi oo magaciisa la odhan jiray Muxumed Cumar Cigaal. |