Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2881

January 23, 2012                                                                           Safar 29,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Haatuf-ka Maanta

Ninka la yidhaa Matt Baugh ee xukuumada David Cameron u diratay Nairobi si uu wakiil uga noqdo qaban qaabinta shirka London, gaar ahaan la xidhiidhka, ururinta iyo isku dubaridika aragtiyaha Soomaalida ayaa waxa uu si cad ugu sheegay website-ka shirkaasi in ujeedada kulankaasi ay kow ka tahay sidii loo balaadhin lahaa kooxda TFG-da intaanu wakhtigoodu dhicin bisha August 2012, in la taakuleeyo sidii ay dadku ugu noqon lahaayeen Muqdisho, in lala dagaalamo Al-shabaab,  Budhcad baddeeda iyo in la taageero gobolada Somalia ee xasiloonida aan waafiga ahayni ka jirto sida Puntland iyo Somaliland.

Agenda-hani dabcan wuu ka duwan yahay kii uu ayaantii dhaweyd inoo sheegayey Safiir ku xigeenka London u fadhiya Addis Ababa ee Chris Allen. Agenda-ha dhabta ihina wuxuu noqonayaa uun ka Matt Baugh uu ku soo qoray

http://blots.fco.gov.uk/mattbaugh/2012/01/17/london-conference-on-somalia-building-momentum/ maadaama ninkani yahay wakiilka maamulka Cameron u qaabilsan shirkan.

Sidaa darteed shirkan London waxba kama duwana kuwii hore ee fashilmi jiray ee beesha caalamku u qaban jirtay dawladda aan jirin ee Somalia, mana jirto wax ku kalifaya Somaliland inay sidan uu yahay ka qayb gasho.

Danaha Somaliland iyo kuwa Britaina way kala leexan karaan oo ceeb maaha. Loomana baahna in Madaxweynaha Somaliland ee la soo doortay dhex kambadhuudhsado hogaamiye kooxeedyo iyo qabqablayaal dagaal oo ka socda dalkii Somaliland ay 20 sano ka hor ka goday ee Talyaanigu gumaysan jiray ee la odhan jiray Somalia.