|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2881 |
January 23, 2012 Safar 29,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Banaan-Bax Lagu Taageerayo Qaranimada S/Land Oo Ka Dhacay Gobolada Dalka Iyo Khudbadihii Masuuliyiinta Qaranka Hargeysa, January 23, 2012 (Haatuf) – Banaan-baxyo balaadhan oo lagu taageerayo gooni isku taaga Somaliland ayaa lagu qabtay maalintii shalay gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo ay isugu soo baxeen Kumanaan ka mid ah Shacbiweynaha Somaliland ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera, Gabiley iyo Saaxil. Isku soo baxyadan ayay dadweynuhu ku muujinayeen qaranimada iyo Taageerada ay u hayaan Ciidamada Qaranka Somaliland ee difaaca ugu jira sugida amaanka iyo xuduudaha dalka ayaa fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa waxa Buux dhaafiyey kumanaan dadweye ah oo iskaga kala yimid xaafadaha iyo degmooyinka caasimadu ka kooban tahay ayaa waxa ay lulayeen Calanka Somaliland iyaga oo sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin halku dhegyo ay ku muujinayaan in gooni iskutaaga Somaliland uu yahay Muqadas iyo lama taabtaan dhiig loo huray. Fagaarahaasi ayaa waxa dadweynaha kala soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiye ku xigeenka Golaha Guurtisa Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro), Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka SSCD Kayse Cabdi Yuusuf iyo Xayn Wasiiro ah, kuwaas oo khudbado halkaasi uga jeediyey dadweynaha Caasimada Hargeysa oo ay ka muuqatay dareen xamaasad iyo shucuur wadaninimo xambaarsan. Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlayay ujeedada banaan baxan wuxuu yidhi “Banaan baxani waa mid aan ku muujinayno dareenkeena aan ku taageerayno midnimada Somaliland, nabadgelyada iyo wada jirka Somaliland, waxaan doonaynaa inaan u muujino siday qaranimadeenu inagoo go’an tahay.” Madaxweyne Ku xigeenku oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Markii xukuumadda cusub ee Somaliland xilka la wareegtay 27-kii bishii July uu xilka la wareegnay waxa Madaxweyne Siilaanyo ku baaqay in cid kasta oo wax tabanaysa uu gogol nabadeed u fidiyay, gogoshii nabaddu sidii ayay u fidsan tahay. Walaalahayaga Taleex ku shiray inay aqoonyahano, salaadiin iyo waxgaradba inay gogoshaas nabadeed Hargeysa ama Laascaanood u yimaaadaan ayaa ka qurux badnayd oo Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan cid kasta oo danaynaysa oo wax tabanaysa, waxaanu tilmaamay inuu xataa haddii xal lagu helayo uu kursigiisa u banaynayo danta qaranka. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu u mahad celiyay dadweynaha reer Somaliland ee dareenkooda ku muujiyay banaan-baxaasi. Ku simaha Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka hadlay banaan baxaasi ayaa sheegay inaanay Somaliland waxba yeelaynin dad kooban oo dibada ka soo weeraray qaranimada Somaliland. “Dadka ku nool Sool iyo Sanaag bari waa dadkeenii oo waa dad wax inaga dhaxeeyaan oo aynaan sina ku kala tagayn, haddii ay wax jiraan tabasho way jirtaaye’e waa laga heshiin,”ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin. Ku simaha Guddoomiyaha UDUB wuxuu ku baaqay inaanay Somaliland ku deg-degin ka qeyb galka shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada London ee dalka Britain, waxaanu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa in shirka Ingiriiska lagu qabanayo aad looga tashado oo aan lagu deg-degin. Ingiriisku barigii hore waxaad moodaa inuu la jiray Somaliland laakiin imika waxaad moodaa inuu u xaglinayo dhinaca Soomaaliya. Somaliland imika may curan ee waligeedba way jirtay anagu (Somaliland) la kulmi mayno Soomaaliya oo noqotay boqol fariiqo.” Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay fagaarahaasi wuxuu sheegay inay iskugu soo baxeen si beesha caalamka loo tuso siday Somaliland uga midaysan tahay qaranimadeena waxaanu yidhi “Waxaan banaan baxan uga dan leenahay inaan caalamka tusno inaanay Somaliland diyaar u ahayn in qas la geliyo oo la kala googooyo.” Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inaanay Somaliland waxba yeeli Karin koox qurbo joog ah oo uu ku eedeeyay inay u soo tafo-xayteen sidii ay nabadgelyada bulshadooda u dhaawici lahaayeen. Gudoomiyaha urur siyaasadeedka SSCD Md. Kayse Cabdi Yuusuf,ayaa isna si qoto dheer uga hadlay waaqaca ka jira Gobolka Sool iyo go’aanadii ka dhanka ahaa midnimada Somaliland ee ka soo baxay shirkii Taleex. shirkaasi oo uu sheegay inuu ahaa markiisii hore mid ay beesha deegaanka Sool kaga arrinsanayeen danahooda dhaqan, hase ahaatee ay marin habaabiyeen koox yari. Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka SSCD waxa uu canbaareeyay mudaharaadkii khasaaraha keenay ee shalay ka dhacay laas-caanood,kaasoo masuuliyadiisa uu dusha ka saaray xubnihii soo abaabulay shirka Taleex. Waxaanuu xusay in shacabka gobolkaasi ay maanta u baahan yihiin in laga gacan siiyo adeegyada kaabayaasha Nolosha sida: caafimaadka, waxbarashada, Biyaha iyo wixii la mid ah.waxaanu ugu baaqay dadweynaha gobolka Sool inaanay dheg u dhigin wax kasta oo midnimadooda wiiqaya kuna ridaya tafaraaruq iyo colaad. Geesta kalena Wasiirrada arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X.Xasan oo iyana halkaasi ayaa mark kale incaalmiyay in xukuumaddu Nabad ku baaqayso, kana soo hor jeedo wixii fad-qalalo iyo nabadgelyo xumo abuuraya.waxaanay sheegeen in gogoshii nabaddu ay sidii u taalo, xukuumaduna soo dhoweynayso fikir kasta oo maslaxad u ah qaranka. Gudomiyaha Golaha wakiiladda Mud, C/raxman Maxamed Cabdilahi ‘ (Cirro) oo la hadlayey dadweynaha isu soo baxan ka qayb galay waxa uu sheegay,in Qaranimada Somaliland ay tahay waxaan gor-gortan geli Karin,xuduudaha Somaliland-na ay yihiin kuwii 1960 Qarankani lahaan jiray. Md. C/raxmaan (Cirro) wuxuu intaa ku daray,in aan loo baahnayn af-kaaraha gurracan ee lagu kala qaybinayo shacbiga Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay nabad-gelyo darrada ka jirta dalka aynu deriska nahay ee somaliya,oo ay mushkiladaha ka taagan siyaasiysiyiintoodu sabab u yihiin. Dhinaca kalena waxa banaan baxyo waaweyn oo noocan oo kale ahi ka dhaceen gobolada Awdal, kuwaas oo masuuliyiin ka tirsan xukuumadu ay kala hadleen dadweynaha Fagaarayaasha gobolada Awdal iyo Salal, kuwaas oo ku baaqay in aan Somaliland marnaba kala googi Karin, isla markaana goboladani ay yihiin kuwuu ay Somaliland ka dhalatay yagleelideedu oo aan marnaba looga shaki qabin inay gacantooda ku burburto ayaa ugu baaqay dadweynaha Somaliland inay adkeeyaan midnimadooda. |