Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2881

January 23, 2012                                                                           Safar 29,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Garaadadii Buuhoodle Oo Soo Faaruqiyay Taleex, Qaadacayna Go’aamada Laga Soo Saaray Iyo Xaglo-Toosiye Oo La Sheegay Inuu Usoo Jeedo S/Land

Hargeysa, January 23, 2012 (Haatuf)-Garaadadii beelaha Dhulbahante ee deegaanka Buuhoodle kaga jiray shirka degmada Taleex ka socda lagaga dhawaaqay maamulka Khaatumo ayaa shalay ku gacmo saydhay go’aamadii shirkaasi ka soo baxay, kadib markii la sheegay in gudoomiyaha ururka SSC Saleebaan Xaglo-toosiye oo shirkaasi qaadacay uguna baaqay inay ka soo baxaan, ayaa shalay galab ay waftigii Garaadada Buuhoodle ka soo kicitimeen degmada Taleex.

Sida uu Haatuf u sheegay midka mid ah Garaadada beelaha Dhulbahante ee deegaanka Buuhoodle ee ka soo kolonyaystay shirka Taleex oo khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay markii ay ka soo shiraaqdeen deegaankaasi ayaa noo xaqiijiyay in Madaxdhaqameedyadoodii beelaha Buuhoodle ka matalayay shirkaasi ay gabi ahaanba iskaga yimaadeen madasha shirku ka socdo, kuna soo jedaan degmada Buuhoodle, Garaadkaasi oo ka cudur-daartay in magaciisa la shaaciyo oo arrimahaasi ka hadlay waxa u yidhi “Madaxdhaqameedyadii beelaha Buuhoodle e shirka Buuhoodle ka socda goobjoog ka ahaa, hada ayaanu Taleex iyo madashii shirka ka soo dhaqaaqnay, go’aamadii ka soo baxay halkaasina waanu ka biyo diidnay waxaananu hada usoo jeednaa deegaanka Buuhoodle oo aanu markii hore ka ambabaxnay, waxaananu nahay wafti balaadhan oo iskugu Jira Garaado, cuqaal iyo waxgaradkii Buuhoodlem madaxdhaqameed kaliya oo reer Buuhoodle ah oo shirkaasiu nagaga hadhayna ma jiro”

Sidoo kale madaxdhaqameedyada Buuhoodle ee kasoo cadhooday Taleex ayaa iyaguna cadeeyay in labada maalmood ee soo socda ay shirjjaraa’id oo ay ku qaban doonaan magaalada Buuhoodle ay ku cadayn doonaan mawqifka ay ku diidan yihiin maamulka lagaga dhawaaqay Taleex.

Xubnaha Garaadada Buuhoodle ee ka soo cadhooday shirka Taleex oo la sheegay inay xalay soo gaadheen degmada Buuhoodle ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Garaad C/llaahi Garaad Soofe, Garaad Saleebaan Buraale iyo xubno kale.

Dhinaca kale ilo wareedyo aanu ka helnay Buuhoodle ayaa sheegay in waftiga ka soo cadhooday shirka Taleex si weyn loogu soo dhaweeyay Buuhoodle, waxayna ilo wareedyadu intaas ku dareen hogaamiyihii ururka SSC Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo isagu gaashaanka ku dhuftay shakhsiyaadka loo doortay maamulka Khaatumo ayaa la sheegay inuu damacsan yahay inuu xaga Somaliland usoo janjeedhsado, isla markaana mawqifkiisii hore ee uu kaga soo horjeeday qaranimada Somaliland wax ka badalo, kuwaas oo tibaaxay in xaglo toosiye madaxdhaqameedyada taageerada u hayay ay qorshaynayaan in socdaal wada tashiya ay ku yimaadaan caasimada Hargeysa lana filayo in xukuumada kulan ay wada yeeshaan.