|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2881 |
January 23, 2012 Safar 29,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Shalay Iyo Maanta:Taageerada Qaranimada S/Land Halagu Daro Taakulaynta Ciidamada Difaaca Dalka Heeganka Ugu Jira Isku soo baxyada shacbiga reer Somaliland ee gobollada dalku ay ku soo bandhigaan shucuurtooda wadaninimo ee ku wajahan difaaca qaranimada Somaliland inuu yahay lama taabtaan waxay ahayd arrin fariin u ah cadowga jirtaanka Somaliland looguna quus-goynayo shakhsiyaadka Somaliland diidka ah, laguna taageerayo Ciidamada qaranka ee difaaca kaga jira xuduudaha dalka, hase yeeshee waxa muhiim ah in loo tafa-xayto qodob kale oo wax weyn ka taraya hawlgalada Ciidamada qaranku ay ku sugayaan xuduudaha dalka, kaasoo ah in shacbiga reer Somaliland ay hiil iyo hooba la garan istaagaan Ciidamada taakulayn dhaqaale, oo ay reer Somaliland ku caanbaxeen ilaa xilligii halgankii dalka lagu xoreeyay ee ururkii SNM horseedka ka ahaayeen, kaasoo dadweynuhu ay Mujaahidiintii xaq u dirirka ee dalkan naftooda u huray xorayntiisii ay la garan istaagaan naf iyo maalba, kana dhigaan halgankaasi mid shacbi oo lagaga takhalusay Ciidamadii taliskii Siyaad Barre ee dhiigya cabka ahaa ee dalkan iyo dadkan xasuuqii axmaqnimada ahaa u gaystay. Hadaba maadaama halgankii naf iyo maalka ahaa ee lagu xoreeyay shalay qaranimada Somaliland ay doonayaan maanta koox yar oo ku shirtay degmada Taleex inay minjo xaabiyaan maamul ku sheeg magac u yaal ah oo lagu magacaabo Khaatumo, waxa looga baahan yahay shacbiga reer Somaliland in difaaca qaranimada ay maantanaugu huraan naf iyo maal sidii ay ugu hureen xorayntiisii, Ciidamada qarankana ay taakulo iskugu jirta xoolo nool, iyo dhaqaale mooralka loogu dhisayo uu gobol kastaa ay abaabul hawshaasi ku wajahan difaaca qaranka ku yaboohaan, taas oo dibad bax lasameeyo ay ka muhiimsan tahay in maal iyo nafba loo huro difaaca qaranimada iyo Mujaahidiinta Ciidamada Qaranka ee heeganka ugu jira cadowga gooni isku taaga qaranka Somalialdn ka soo horjeeda. |