|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2881 |
January 23, 2012 Safar 29,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Maayarka Iyo Shacbiga Gabiley Ma Gayaan Aflagaado Maamuus Mooyee” Ilwaad Maxamed Ibraahim Anaga oo kamid ah haweenka ku dhaqan Caasimada dalka ee Hargeysa shanteeda degmo ka kooban tahay waxaanu door bidnay inaanu jawaab ka bixino, maqaal wargeyska Haatuf ku soo baxay cadadkiisii shalay Axadii 22 January 2012, oo cinwaankiisu ahaa Madaxtooyadu way ka badheedhay inay ku Ihaanaysato reer Gabilay, oo magaciisu ku xusnaa Maxamuud Aw Cabdi Maxamed, kaasoo aflagaado iyo sharaf dhac u gaystay maayarka Gabiley marwo Khadra Xaaji Gaydh, xafladii loogu qabtay maamuuska shahaado sharafta ay ku mutaysatay waxqabadkii iyo horumarkii ay ka samaysay degmada Gabilay muddadii yarayd ee ay joogtay, kana masuugay khudbadii Madaxweynuhu Axmed Siilaanyo golayaasha baarlamaanka ka jeediyay ee uu ku tilmaamay waxqabadkii maayar Khadra Xaaji Gaydh. Waxaanu maayarka Gabilay raali galin ka siinaynaa aflagaadada iyo xiqdiga ninkaasi uu ku ceebaynayo horumarka degmadaasi, oo aanu leenahay waxba yaanu xoolo isiin xeerkayna I marine xaasha’e nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaab, sidaa darteed waxaanu leenahay aqoon daro aamus baa lagu kabaa, reer Gabilay iyo maayarkooduna ma gayaan aflagaado. Ilwaad Maxamed Ibraahim Hinda Cabdi Cali Hoodo Yuusuf Saban. |