Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2881

January 23, 2012                                                                           Safar 29,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Siirada Saxaabada Rasuulka (scw)

Taariikhda Asxaabiga Wayn Ee JACFAR BIN ABII DAALIB“Q.9AAD

Jacfar oo dagaalka ku shahiiday: Wacdarro weyn ayuu Jacfar goobtii dagaalka ka muujiyay, isaga oo sita seeftiisa wuxu dhex jiidhay ciidankii roomaanka, isaga oo kii ka soo hor-baxaba  qoorta kaga jarayay seeftiisa ayaa markii danbe waxa laga dhaacaway oo laga gooyay gacantiisii midig, calankii ayuu hadana ku qaaday gacantiisii bidix, markale ayaa hadana laga dhaawacay oo ay go’day gacantii bidix kadibna laabtiisii ayuu damcay inuu calanka ku qaado, hase ahaatee dhufashadii 3-aad oo aad u darnayd ayaa jidhkiisa laba dhinac ka kala dhigtay. Intaa kadib waxa calankii la wareegay geesigii 3-aad ee Cabdillaahi Binu Rawaaxa ilaa isna laga dilo oo uu ka shahiido. Dhammaantood Allaha u naxariisto hana ka raalli noqdo, waxay dhinteen iyaga oo u taagan difaacidda diinta ALLAAH (sw). War degdeg ah oo Rasuulka (scw) soo gaadhay Rasuulka (scw) oo ku sugan magaallada Madiina ayaa waxaa gaaray war degdeg ah (waxyi ahaan) kuna saabsan geeridii hoggaamiyaashiisii qiimaha badnaa, si daran oo xanuun badan oo aan la tilmaami karin ayuu geeridooda uga tiiraanyooday. Wuxu tagay guriga Jacfar oo ay ilmo adeero ahaayeen. Guriga waxa joogay afadiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bint Cumeys oo ku rajo weynayd ninkeedii oo nabad qaba uu ku soo laabto gurigiisa iyo reerkiisa. Diyaargarow fiican ayay arrinkaa ugu talogashay, cunto macaan iyo caruurtii oo ay u sii maydhay oo ay qurxisay si ay si wadajir ah ay ugu qaabilaan aabahoodii ay aadka u jeclaayeen. Tiiraanyadii Qoyska Jacfar: Asmaa oo dareenkeeda maalintaas cabbiraysa  ayaa waxay tidhi “markii uu noo yimid Rasuulka (scw) waxan wejigiisa qiimaha badanka akhristay murugo weyn, waxana naftaydii gashay cabsi, hase ahaatee maan jeclayn inaan weydiiyo su’aalo ku saabsan arrinta ninkayga Jacfar, cabsisa aan qabo awgeed  inaan maqlo war  aan i farax gelin. Rasuulka (scw) wuu nasalaamay, wuxuna intaa kadib igu yidhi waxaad iigu yeedhaa caruurta Jacfar, waanan u yeedhay. Caruurtii oo faraxsan ayaa xagga Rasuulka (scw) ku soo yaacay, mid kasta oo caruurta ka mid ahaa wuxu doonayay in uu ku dhago ama qabsado jidhka Rasuulka (scw). Dhinaca kale, Rasuulka (scw) isna wuxu ku soo foorarsaday caruurtii, isaga oo dhunkanaya isla mar ahaantaasna ay indhihiisii sharafta badnaa ay ilmeenayaan.  Waxan ku idhi –hooyaday iyo aabahay ha lagugu furtee- maxaad la ooyaysaa? Ma Jacfar iyo labadiisii saaxiib ayaa dhibaato soo gaadhay?. Wuxu Rasuulka (scw) “HAA.., oo maanta ayay shahiideen”. Markii hadalkaasi uu yidhiba waxay farxaddii iyo muusoodkii isu baddashay naxdin iyo walbahaar. Caruurtii yarayd ee faraxsanaa markay maqleen oohinta hooyadood waxa ka soo hadhay degganaansho lagu hadheeyay tiiraanyo daran. Ducada Rasuulka (scw) ee Jacfar: Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuu iska tagay isaga oo iska masaxaya ilmadii buuxisay labadiisii indhood, wuxuna lahaa wakhtigaa iyada ah hadallo macnohoosu ahaayeen “Allahayoow waxaad Jacfar (qoyskan) ugu baddashaa wax khayr badan, Allahayow qoyska Jacfar baddal wanaagsan sii”, kadibna wuxu yidhi “waxan Jannada ku arkay Jacfar oo leh labo garbood oo dhiig leh..”. Haa, Allaah (sw) waa mudan yahay inuu ku abaaliyo Jacfar darajadaas qiimaha badan, waxana halkaas ku dhammaatay sheekadii Saxaabigii jaliilka ahaa ee Jacfar Binu Abii Dhaalib oo aan Alle uga baryayno in uu u naxariisto, kana raalli noqdo isaga iyo dadka muuminiinta ahba.