|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2881 |
January 23, 2012 Safar 29,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Daafaha Dunida: Wax Kabaro Dalka Jamhuuriyada Uruguay Dalka jamhuuriyada Uruguay (Republic of Uruguay) dalka jamhuuriyada Uruguay waxa uu kuyaalaa qaarada Latin America ee looyqaan koonfurta America. Dalka Uruguay waxa waxa uu xadad la wadaagaa dalka ugu balaadhan qaarada Latin America ee Argentina iyo Brazil. Dalka jamhuuriyada Uruguay waxa dhinaca koofur bari kaga dhereran ama kaga teedsan badwaynta Atlantica (Atlantic Ocean). Caasimada Dalka jamhuuriyada Uruguay waxa layidhaa Montevideo, waana magaalo ay ku dhaqan yihiin dad kor u dhaafaa 1-milyan oo ruux, ama (1,272,411) waan tirakoobkii la qaaday sanadkii 2007-dii. Bedka: Bedka uu ku fadhiyo dalka jamhuuriyada Uruguay waxa lagu qiyaasaa 68,038.92, oo (mayl lab jibaaran) una dhganta 176,220.00, oo (kiiloo mitir laba jibaaran) dalka jamhuuriyada Uruguay waxa uu ka waxoogaa ka kooban yahay bedka uu ku fadhiyo gobolka (Washington) ee dalka Maraykanka. Dadka: Dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Uruguay waxa ay tiradoodu ka badantahay 3.5-milyan o ruux, waana tirakoobkii laqaaday sanadkii 2010-kii. Saadaasha dadka reer Uruguay ee sanadka 2050-ka waxa lagu wadaa in ay kor u dhaafto 4.4 milayn oo ruux. Afka: Luuqadaha lagaga hadlo ) dalka jamhuuriyada Uruguay waxa kamid ah Spanish-ka, Portunol, ama Brazilero oo ah luuqada iskugu jirta Bortaqiis iyo Spanish (Portuguese-Spanish mix on the Brazilian frontier). Aqoonta: Dadka aqoonta leh ee u dhashay ) dalka jamhuuriyada Uruguay waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 97.3%. Diinta: diimaha ay kala haystaan dadka reer Uruguay waxa kamid ah diinta kiristanka gaar ahaan mad-habta Roman Catholic oo dadka haystaa gaadhaan boqolkiiba 66% kala badh in ka yar dadka waayeelka ah ee dadka haysta diinta Roman Catholic waxa ay si joogta ah ugu xidhan yihiin kaniisadada (less than one-half of the adult population attends church regularly), waxa kale oo soo raacda mad-habta Protestant oo dadka haystaa gaadhaan boqolkiiba 2%, diinta Jewish-ka waxa haysta boqolkiiba 1%, dadka bilaadiinta ah iyo kuwo haysta diimaha kale ee ku dhaqan dalka jamhuuriyada Uruguay waxa ay tiradoodu gaadhaa boqolkiiba 31%. Cimriga: Ragga u dhashay ) dalka jamhuuriyada Uruguay waxa da’doodu gaadhaa 72-sano, halka dumarka u dhashay dalka Uruguay ay ka gaadhaan 78-sano. Dawlada: Qaabka ay u shaqayso dowlada jamhuuriyada Uruguay waa nidaamka jamhuuriyada Dastuuriga ah (Government Type constitutional republic). Lacagta: Lacagta laga isticmaalo dalka jamhuuriyada Uruguay waxa layidhaa Uruguayan peso ($Ur). Warshadaha: Warshadaha jamhuuriyada Uruguay ka shaqeeya waxa lagu farsameyaa cuntooyinka (food processing), mashiinada electroniga, qalabka isgaadhsiinta, Batroolka ( petroleum), dunta, kiimikooyinka, iyo cabitaanada. Beeraha: Beeraha dalka jamhuuriyada Uruguay waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin: Bariiska, Galayda iyo Hadhuudhka. Xoolaha: dalka jamhuuriyada Uruguay waxa laga dhaqdaa xoolo, kaluunkuna waxa uu kamid yahay wax soo saarka dalka. Dhulka isticmaalo ee dalka jamhuuriyada Uruguay waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 7%. Khayraadka: Khayraadka dabiiciga ah ee dalka jamhuuriyada Uruguay waxa kamid ah awooda biyaha lagaga dhaliyo tamarta ee (hydropower), macaadiin aan tiro badnay oo dalka laga helo iyo kaluumaysiga. |