Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2881

January 23, 2012                                                                           Safar 29,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Harry Redknapp: “Manchester City Shaqada Way Ka Eryi Doonta Roberto Mancini Hadii Uu Premier League-ga U Qaadi Waayo”

Tababare Harry Redknapp ayaa aaminsan in Roberto Mancini shaqada laga eryi doono hadii Manchester City ay ku guuldareysato xilli ciyaareedkan in ay qaado koobka Premier League. Tababaraha kooxda Tottenham ayaa  hadalkani kasoo yeeshay ka hor intii aanay kooxdiisa  booqan  garoonka Etihad Stadium. Manchester  City ayaa haatan hogaanka horyaalka haysa, Tottenhamna waxa ay kamid tahay  ay ku jirtaa kaalinta seddexaad. Mancini ayaa waxa gacanta laga saaray lacag aad u badan si uu ugu maalgeliyo kooxda, waxana xilli ciyaareedkii hore uu qaaday koobka FA Cup. Lakiin Redknapp oo hore weeraro dhanka afka ah ay iskuweydaarsadeen Mancini ayaa sheegay in dhigiisu uu ku jiro cadaasi badan, madaama wax weyn laga filanayo xilli ciyaareedkan. Waxa uu u sheegay Sunday Mirror: “Manchester City lacagta umay bixin  si bilaash iyo ciyaar ciyaar ah” “Sheekha iska leh iyo taageerayaashu waxa ay ka filanayaan in Mancini uu koobab qaado, hadii ay ku guuldareystaan in ay qaadaan Premier League yaa odhan kara ma eryi doonaan oo tababare kale kuma bedeli doonaan?” “Shakhsi ahaan, waan yara jecelahay Mancini, kumana eedeynayo lacagtii uu kharashgareeyay. Hadii aan booskiisa ku jiri lahaa aniguba waan qarashgareyn lahaa. Lakiin waa in aad aqbashaa cadaadiska la socda lacagta iyo waxa laga filnayo.“Manchester City waxa ay ka timid meel aan la aqoon sannadihii u danbeeyay ka dib markii ay ku hoos noolaayeen hadhka kooxda ay deriska yihiin ee Manchester United, marka aad hesho koox leh awooda ay lacag ku kharashgareyso wixii hore waa la iska ilaawayaa, dadkuna ma doonayaa in aad ku guuleysato koobabka la filayo in aad qaado” ayuu yidhi. Hogaanka kooxda ka dhisan garoonka White Hart Line  Harry Redknapp.