|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2881 |
January 23, 2012 Safar 29,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ashley Cole Oo Shaaciyay Line-upkii U Fiicnaa Uu Abid Kasoo Garab Ciyaaray Ciyaaryahan baasha bidix ee difaaca uga ciyaara kooxda Chelseaa Ashley Cole ayaa indha ka qabsaday ciyaartoydiisa kooxda Chelsea ka dib markii uu magacaabay line-upka koox uu ku sheegay ciyaartoydii ugu mudnayd ee abid ugu fiicnaa ee uu lasoo ciyaaray. Xidigan reer England ayaa ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed la soo qaatay Arsenal, Chelsea iyo England, isaga oo la soo ciyaaray qaar ka mid ah ciyaartoyda adduunka ugu fiican. Lakiin Cole ayaa ka tagay dhowr ciyaaryahan oo reer Chelsea ah markii la weydiiyay in uu magacaabo kooxdiisa riyada ee ciyaartoyda uu la soo ciyaaray oo uu sharaxay mid kamid mid ah suxufiyiinta Tv-yada. Ciyaaryahanka kaliya ee Chelsea u ciyaara ee xushay Cole waa Daniel Sturridge. Cole ayaa kamid ah kooxda uu magacaabay, lakiin John Terry, Frank Lampard, Didier Drogba iyo Petr Cech midkoodna kumuu soo darin. Taa bedelkeeda Cole waxa uu line-upkiisii ugu fiicnaa ee ciyaartoyda uu la soo ciyaaray uu ka buuxiyay ciyaartoydii hore ee Arsenal. David Seaman ayuu goolhaye ahaan u magacowday bedelkii Cech, halka Lauren uu ka dhigtay difaac midig. Sol Campbell iyo Tony Adams, uu ka dhigay difaaca dhexe halka daafaca bidix uu isagu isku magacaabay. Cole, ayaa basha midig ku qoray Robert Pires, halka Frank Lampard iyo Micheal Essien ay wadada u baneeyeen kabtankii hore Arsenal Patrick Viera iyo ciyaaryahanka ay isku wadanka yihiin Steven Gerrard. Sturridge ayuu garabka kale ee weerarkana u magacaabay, halka Denn Bergkamp iyo Henry iyagana waxa uu u doortay dhinaca weerarka. Isagoo sharaxayay go’aankiisa uu ku doortay Bergkamp iyo Henry halkii uu Dorgba ka magacaabi lahaa, Cole waxa uu yidhi ‘Way adag tahay in laga tago Drogba, hadii uu arkana waxa ay u badan tahay in uu cadhoodo ” Kooxda Ashly Cole ee uu xushay ayaa ah guud ahaan sidan: Seaman; Lauren, Adams, Campbell Cole; Sturridge, Vieira, Gerrard, Pires; Bergkamp, Henry. |