|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2881 |
January 23, 2012 Safar 29,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Fernando Torres Oo Wakhtigu Kusii Adkaanayo Iyo Saamaynta Gool La’aantaKu Habsatay Shan iyo toban daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ayna u muuqatay in iska caabintii Norwich ay kala dhantaalantay. Chelsea ayaa kubada inteeda badan heysatay. Jose Bosingwa ayaa kubad kala soo galay dhanka midig waxaana uu soo dhigay diilinta ganaaxa, waxaa la is lahaa waxaa xilligii la soo gabgabeynayay abaarta dhinaca goolasha lakiin Fernando Torres ayaa fursadii iska khasaariyay. Iyadoo ay soo dhowdahay sannadguuradiisii koowaad ee maalintii uu Chelsea ugu soo biiray 50 milyan ginni isagoo ka soo tagay Liverpool, waxaa la odhan karaa weeraryahanka reer Spain weli ma uu saldhigan kooxda Blues. Seddex boqol shan iyo konton maalmood oo uu Torress xidhan yahay maaliyada Chelsea, hadana shaqadii uu qabtay ma aha mid ku soo jiidaneysa. Shan gool ayuu dhaliyay 42 kulan oo uu u saftay, waxa ay la mid tahay in goolkiiba uu Chelsea ugu fadhiyo 10 milyan ginni. Goolkiisii ugu danbeeyay waxa uu ahaa goolkii uu ka dhaliyay Swansea 24kii September ee sannadkii hore, gadaashiisa waxaa shabaqa soo taabtay Premier League 181 ciyaaryahan. Fursadii uu iska khasaariyay sabtidii waxa ay ahayd wax aan looga baran, waxana uu haatan marayaa kulankii 11aad oo isku xiga Premier League oo aanu gooldhalin, waa rikoorkiisii ugu xumaaa ee soomara abid. Torres ma ka soo kabsan karaa dhibaatadan heysata muddada sannadka ku dhow? Ayay tahay su’aasha ilaa hada taagani. Ka hor 12 bilood intii aanu ku soo biirin Chelsea waxa uu Torres soo dhaliyay 172 gool 384 kulan oo uu u soo saftay kooxaha Atletico Madrid iyo Liverpool, waa rikoodh fiican. Dabca iska indhotiri kartid mudadii sannadka aheyd ee uu Torres qaab ciyaareedkiisa maqnaa, lakiin waxa jirta cadeyn la hayo oo tilmaameysa in ay ciyaartoyda dhibaatadan oo kale ka soo kaban waydaa looga bartay. Tusaale ahaan weeraryahanka Inter Diego Milito. Ciyaaryahanka reer Argentina waxa uu dhaliyay labadii gool finalkii Champions League ee 2010kii, xilli ciyaareedkaas oo kooxdiisa ay seddex koob wada qaaday, waxana uu xilli ciyaareedkaas dhaliyay 30 gool isaga oo ka mid ahaa weeraryahanada ugu fiican qaarada yurub. Lakiin taa waxa uga danbeeyay in sannadkii hore uu u noqday mid uu ku dhibaatooday, 32 jirkakan reer argentine waxa uu dhaliyay mudadaas 7 gool oo kaliya, waxana uu helay abaalmarinta laacibka ugu xun ee ka ciyaara horyaalka Talyaaniga ee Serie A. iyada oo waxaasi soo wada mareen Milito hadana labo kulan oo uu ciyaaray sanadkan 2012, Milito waxa uu leeyahay seddex gool waxana uu ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, niyadana waxa uu ku hayaa Milito wax weyn. Dabcan si toos ah la iskuma barbardhigi karo Milito iyo Torres waayo Milito kama fikirayo gaadhaysa 50 Milyan oo ginni oo lagu soo iibsaday sida Torres, lakiin waxa ay rajo gelineysaa xidigan Spain ee lagu naanayso El Nino in uu dib ugu soo noqon karo sidiisii hore hadii uu dadaalkeeda la yimaado. |