|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2881 |
January 23, 2012 Safar 29,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Kubada Cagta Oo Isku Rogtay Is Xaafadaysi Kadib Markii Maradona Uu Ka Jawaabay Dhaleecaytii Pele U jeediyay Lionel Messi Tabaraha kooxda Al Wasl Diego Maradona ayaa sheegay in gabowga hadheeyay Pele uu saameyn ku yeelanayo sida uu wax u qiimeeyo Pele, ka dib markii Pele uu mar kale u dhawaan diiday Messi in uu yahay laacibkii ugu fiicnaa ee dunida soo mara. Xiddigii hore ee Santos ayaa sheegay in aanu Messi marnaba soo gaadhi doonin heerkii uu gaadhay, lakiin hadalkan waxa wax lagu qoslo ku tilmaamay xiddigii hore ee Napoli, ka hor intii aanu wax ka sheegin da’diisa 71 jirka ah. “Waxa laga yaabaa in ay arintan la xidhiidho da’diisa sii weynaaneysa in ay saameyn ku yeelato sida uu u shaqeeyo” ayuu Maradona ku jawaabay. “Ma dhaleeceyn kartid Pele, sababta oo ah waxba muu qaban 20kii sanno ee ugu danbeysay. Xitaa kumaan arag isaga oo suuqa ka soo adeeganaya. Ma aqaan waxa uu qabto” “Inta badan marka aad aragto waxa uu joogaa xafladaha isaga oo garab taagan madaxweynaha FIFA, waxana uu u egyahay boombale lagu dhaqaajinayo remote meel fog laga xukumaayo” ayuu hadalkiisa raaciyay. “Sidaa darted, hadaladii uu dhawaan sheegay la yaab iguma aha” Maradona iyo Pele ayaa in muddo ah uu u soo dhaxeeyay weerar dhanka afka ah, iyadoo kooxdii ugu danbeeyay uu ahaa markii ay isku qabteen cida fiican Neymar iyo Lionel Messi. Labadan xidig ayaa badanaa la kala safta ciyaartoyda kasoo kala jeeda labada dalka ee ay ay dhasheen, dhanka kalena tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa difaacay, difaaca reer Portugal ee Pepe oo dhawaan si badheedha lugta ugaga joogsaday Messi, arintan ayaa muujinaysa in ciyaarta kubada cagtu kusii socoto qabyaalad cad. |