|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2882 |
January 24, 2012 Safar 30,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Xukuumadu Way Hagratay Bariga Sanaag Oo Waxa Ka Jira Badhasaab Iyo Maayar Magac U Yaal Ah, Hadaanay Xuquuqdooda Helina Khaatumo Iyo Wax Ka Daran Baa Ka Soo Bixi Doona” Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas Hargeysa, January 24, 2012 (Haatuf) - Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo kamid ah xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee golaha wakiilada, isla markaana ka mid ah waftiga xukuumada ee uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami ee doraad socdaalka ku tagay degmada Badhan ee bariga Sanaag ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan deegaankaasi ay usoo bandhigeen tabashooyin badan oo ay xukuumada Somaliland ka tirsanayaan, sheegayna haddii aan si dhakhso ah wax looga qabanin tabashooyinkoodaasi in ay tashan doonaan, isla markaana deegaanada bariga Sanaag aan dib loo arki doonin, waxaanu tilmaamay inay jiraan dad u dhashay deegaankaasi oo dalka dibadiisa iyo gudihiisaba ka wada qorshe ay ku dhaqdhaqaajinayaan in maamul ka madaxbanaan Somaliland lagaga dhawaaqo deegaanada bariga Sanaag Waxaanu intaa ku daray in degmada Badhan aanu ka jirin maamul dawladeed oo shaqaynaya, isla markaana uu dayac badan oo dhinacyada horumarka ah aanay xukuumadu ka samaynin, cadeeyayna in badhasaab iyo maayar magac u yaal ahi ay ka jiraan degmada Badhan. Xildhibaan Bulqaas oo ka mid ah waftiga xukuumada ee socdaalka ku jooga Badhan oo uu ka mid yahay wasiirka gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo madaxdhaqameedyo beeshaasi ka soo jeeda oo maalintii doraad gaadhay deegaankaasi oo shalay Haatuf u waramay isagoo jooga Badhan,ayaa sidoo kale sheegay in waftigoodu ay halkaasi gaadhsiiyeen mashaariic faro-guudkood ah oo looga cayimay cashuurtii 2% ahayd, waxaanu tilmaamay in ciidamo ka soo jeeda deegaanadaasi oo taageersan maamulka Puntland aanay wax dagaal iyo jidgoyn ah u gaysan waftigooda, uu tilmaamay in shacbiga ku dhaqan deegaankaasi ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen. Md Bulqaas isaga oo arrimahasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Runtii shacbiga ku dhaqan deegaanada bariga Sanaag iyo degmada Badhan ee aanu socdaalka ku joogno waxay noo soo dhaweeyeen si wanaagsan, waxaananu kulamo xogwaraysiya la yeelanay madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka deegaanka oo aanu uga waranay ujeedada socdaalkayaga oo aanu u sheegnay inay la xidhiidho sidii aanu ugala dardaarmi lahayn adkaynta nabadgalyada iyo xaaladaha amaan daro ee ka taagan mandaqada aanu uga wacyigalin lahayn, waxaanu gaadhsiinay mashaariic faro-guudkood ah oo cashuurtii 2% ka ahayd looga qoondeeyay, wax horumar ah oo laga sameeyay iyo hay’ado dawladeed oo ka shaqanaya ma jirto, saldhig Boliis ma laha, Badhasaabku waxa uu ku jiraa guri kiro ah, Mch ma laha, sariibado lagama dhisin, maamulka gobolka iyo degmaduna waa kuwo magac u yaal ah, saaka waxaanu dhagax dhignay Cusbitaal cusub oo laga hirgalinayo Badhan, Jaamacadii Maakhir, Ceelkii Riigga lagu rakibayay ee biyaha, tashooyin badan oo aan la soo koobi Karin ayay dadweynuhu noos oo bandhigeen, haddii aan xaqa kaga maqan Somaliland si degdeg ah loo keenin bariga Sanaag Khaatumo iyo wax ka daran baa ka soo bixi doona, laakiinse anagu wakhtigan xaadirka ah waxaanu gaadhsiinay mashaariicda horumarka ah oo aanu muddo dheer anigoo kamid ah xildhibaanadii laga soo doortay deegaanka aanu ku qaylinaynay in wax laga qabto” Md Bulqaas oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Gogoshan wada tashi ee Madaxweynuhu ku baaqayna xaga beesha Warsangeli laguma darin ee beesha Dhulbahante ayuun baa loo dhigay” Xildhibaanka oo aanu waydiinay wararka sheegaya in bariga Sanaag laga wado qorshe lagu samaynayo maamul ka madaxbanaan Somaliland oo la yidhaahdo Maakhir State waxa arrinkaasi ka jira, waxa uu yidhi “Arrinkaa maamulka aad sheegayso waa la wad-wadaa oo dibada iyo dalka gudihiisaba waa laga dhaqdhaqaajinayaa, hadaan xuquuqda iyo saamiga dawlada Somaliland kaga maqan aan si dhakhso ah wax looga qabana bulshada bariga Sanaag way tashan doonaan” Xildhibaan Bulqaas oo aanu waydiinay ciidanka Puntland eek u sugan deegaanada Badhan ee kasoo jeeda deegaankooda ee la sheegay in jidgoyn ay u galeen waftigooda waaxa ka jira arrinkaasi, waxa uu yidhi “Inamadayadii ayay ahaayeen wax dhibaato ah iyo jidgoyn ay nagu sameeyeena ma jirto oo anagu sida Dhulbahante ma nihin oo gudahayaga isma dilno, sidaa darteed wax dhibaato ah oo na dhexmaray wiilashayada ciidanka ah ma jirto” Dhinaca kale waftiga ayaa xalay soo gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaa, iyagoo sidoo kalena waftigii wasiirka horumarinta reer miyiga Maxamuud Siciid Gacamay ee socdaalka ku tagay degmada Dhahar ee bariga Sanaag la sheegay in kulamo is xogwaraysiya ay la yeesheen waxgaradka iyo odayaasha deegaankaasi. |