|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2882 |
January 24, 2012 Safar 30,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Mooshin Xambaarsan Ajandayaal Xasaasi Ah Oo Maanta Baarlamaanka La Soo Hordhigi Doono Hargeysa, January 24, 2012 (Haatuf) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa la sheegay in fadhigooda maanta la soo hordhigi doono Mooshin ay soo saxeexeen mudaneyaal ay tiradoodu gaadhayso 30 mudane oo lagu dalbanayo in xaalada dalka ee Nabadgalyo iyo siyaasadeed lagu qiimeeyo, isla markaana xukuumadu keento barnaamijkeeda siyaasadeed oo ay ku hagayso siyaasada khaarajiga dalka iyo qorshayaasha dhabta ah ee uga meel yaala shirka dawladda Ingirisku u qabanayso kooxaha Somalia. Mooshinkan oo ilo wareedyo u dhuundaloola goluhu ay Haatuf u xaqiijiyeen in fadhiga maanta ay shirgudoonka ugu gudbin doonaan si goluhu dood uga yeesho, kaas oo la sheegay in mudaneyaashaasi ay soo jeedinayaan in ajandaha kalfadhiga 17aad ee aan wali la ansixin la laabo, isla markaana dood laga yeesho xaalada qiimaynta dalka ee nabadgalyo, siyaasadeed ee Somaliland ku gedaaman. Sida ka muuqatay fadhigii shalay ee golaha wakiilada oo loo balansanaa in goluhu ansixiyo Ajandaha kalfadhiga 17aad ayaa la isku mari waayey kadib markii ay qaar ka mid ah mudaneyaashu ay soo jeediyeen in goluhu wakhtigan xaadirka ah dood ka yeesho xaalada guud ee qiimaynta dalka ee ku wajahan arimaha ka soo cusboonaaday gobolada bariga gaar ahaan shirkii Taleex iyo khilaafaadka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ka dhex aloosan siddii Madaxweynuhuna golaha u hor keeni lahaa Barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu dalka ku hogaaminayo. Waxa la filayaa in mooshinkan xasaasiga ahi goluhu dood adag ka yeesho, isla markaana wax iska waydiiyo xaalada guud ee siyaasadeed ee nabadgalyo iyo Dhaqaale ee dalka ku gedaaman, isla markaana la laalo ajanadaha kalfadhiga 17aad. |