Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2882

January 24, 2012                                                                           Safar 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Suuriya Oo Gaashaanka Ku Dhufatay Qorshe Ururka Jaamacada Carabtu soo Jeedisay

Damascus, January 25, 2012 (W.Wararka) – Dawladda Syria ayaa diiday qorshe ururka Jaamacada Carabu u soo jeediyey, kaas oo Madaxweynaha Syria Bashar Al-Asad ugu baaqay inuu awooda ku wareejiyo ku xigeenkiisa kadib mudaharaado rabshado wata oo muddo sanad ku dhaw ka socda dalkaaso oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Dareenkan diidmada ah ee ay muujisay xukuumada Asad oo laga baahiyey wakaalada wararka ee Syira ee SANA ayaa timid in ka yar 24 saacadood markii si lama filaan ah ururka Jaamacada Carabtu uu u soo jeediyey in Bashar Al-Asad uu xilka iska wareejiyo lana bilaabo wada hadal dhexmara isaga iyo mucaaridka.

Dadka ka faalooda arimaha Carabta, khaasatan kacdoonka ka socda dalka Syria ayaa sheegay in rajadu ay aad u yarayd in soo jeedinta ururka wadamada Carabtu in uu aqbalo Bashar xili ay ku kacsan yihiin isaga iyo qoyskiisa xukunka soo hayey 40 sanadood kooxo hubaysan.

“Syria waxa ay u aragtaa go’aankan mid khalkhal lagu abuurayo madaxbanaanideeda, in faragalin guddaha ah iyo mid dibadeedna lagu sameeyo Syria waa ujeedooyinka ururka jaamacada Carabta” sidaasi waxa lagu sheegay War murtiyeed ay baahisay SANA wakaalada wararka ee Syria.