|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2882 |
January 24, 2012 Safar 30,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wefti Ka Socda Britain Oo Muqdisho Tagay Iyo Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo Sheegay In Somaliland Ay Uga Soo Qaybgasho Shirkaasi Sida Puntland Iyo Galmudug U Imanayaan “Sida Ahlu-Suna U Imaanayso, Sidoo Kale Ayaanu Iyagana (Somaliland) U Jecelnahay Inay U Yimaadaan Oo Miiska Wada Hadalka Iyo Wada Tashiga Ay Ka Soo Qaybgalaan” Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Ee Somalia Muqdisho, January 25, 2012 (Haatuf) – Wafti ka socda dawladda Britain oo qaabilsan shirka Somalia uga furmaya London bisha soo socota ayaa kulan uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif ee Somalia Cabdiwali Cali Gaas, kuwaas oo ka wada hadlay arimaha shirka London iyo ka soo qaybgalka dhinacyada Somalia. Weftigan oo uu hogaaminayey Matt Baugh iyo James Hooley ayaa ka waramay shirka London somalida uga furmi doona, kaas oo ay sida uu sheegay lagu casuumay ilaa 40 Madaxda adduunka ah, isla markaana ujeedadiisu tahay sidii beesha caalamka ay uga midoobi lahaayeen xal u helida Soomaaliya ee dhinacyada amniga, budhcad-badeeda iyo Argagixisada. Sidoo kale Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirkaasi oo lagu casuumay Somaliland ay ka soo qaybgasho sida ay u imanayaan maamul goboleedyada Somalia ee Puntland iyo Galmudug oo kale, waxaanu intaasi ku daray inuu Somaliland Baanka Horumarinta ee Afrika uu uga saxeexay Mashruuc loogu dhisayo Biyo Xidheeno. Raysal Wasaaraha Somalia oo arintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi “Ta koowaad oo ah inay shirka ka soo qaybgalaan Somaliland raalibaanu ka nahay inay yimaadaan waxa laga hadlayaa waa dan Soomaaliyeed, Soomaali weeyaan iyaguna sida Puntland uga soo qaybgalayso, Galmudug u imanayso, sida Ahlu Suna u imaanayso, sidoo kale ayaanu iyagana u jecelnahay inay yimaadaan oo miiska wada hadalka iyo wada tashiga ay ka soo qaybgalaan, mar walbana waanu soo dhaweynaynaa, mida kale waxa aan u sexeexay mashruuc biyo galin ah oo African development bank ah uu ugu deeqay Somaliland, waa mashruuc ah inay biyaha qabsadaan oo biyo xidheen la sameeyo raali ayaanu ka nahay dawladd goboleedka Somaliland” Si kastaba ha ahaatee Xukuumada Somaliland ayaan ilaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin hadalka xajiinta leh ee uu Somaliland kula dul kufay Raysal Wasaaraha Dawladda taagta daran ee Somalia, isla markaana aan ilaa hadda wax go’aan ah oo ku wajahan shirka London inay ka qaybgalayso iyo inay qaadacayso aan ka soo saarin. |