Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2882

January 24, 2012                                                                           Safar 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiirka Kaluumaysiga OoKa Muquurtay Inuu Tafaasiil Ka Bixiyo Ujeedada Socdaalkoodii China

Hargeysa, January 24, 2012 (Haatuf) – Wasiirka Wasaaradda kaluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jirre) iyo Maayarka caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo in muddo ah dalka Shiinaha ku maqnaa ayaa shalay dalka dibada ugu soo laabtay.

Wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga Geel-jire oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa ayaa si cad u diiday inuu ka hadlo nuxurka waxyaabaha uga soo qabsoomay safarkaasi, balse waxa uu si kooban uga hadlay ujeedada safarkooda, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanu muddo ku maqnayn wadanka Chine, waxaanu u baxnay hawlo badan, waxa ugu weyni waxa uu ahaa kaluumaysiga, gaar ahaan iskaashatooyinka kaluumaysiga ee Shangahai, aad iyo aad ayaanu horumar uga gaadhnay ujeedadayadii, waxaanuna aad ugu faraxsanahay inaanu nabadgalyo aanu dalkayagii ugu soo noqonay”.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga oo la waydiiyay waxa la taaban karo ee uga soo qabsoomay safarkooda Chine ayaa si cadho leh ugu jawaabay wariyihii su’aasha waydiiyey “adeer Kama hadlayo arimahaas”.

Dhinaca kale, Maayarka caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo isagana warbaahintu isku dayday inay arintan wax ka waydiiso ayaan isagu kuba hakan Madaarka oo markiiba gaadhi diyaar u ahaa u raacay dhinaca gudaha Magaaladda Hargeysa.