Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2882

January 24, 2012                                                                           Safar 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xukuumadda Iyo Ururka Suxufiyiinta Oo Kala Saxeexday Heshiis Is-Fahan Iyo Nuxurka Qodobada Ay Isla-Qaateen

Hargeysa, January 24, 2012 (Haatuf) – Xukuumadda iyo Warbaahinta Madaxabanaan ee Somaliland ayaa shalay markii ugu horaysay kala saxeexday heshiis is-fahan oo nuxur ahaan xambaarsan qodobo xasaasi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaqan xeerkii Saxaafadda ee Xeer Lr 27/2004, kaas oo ay baarlamaanku ansixiyeen, isla markaana Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale uu saxeexay, balse aanay xukuumadu ku dhaqmin.

Sidoo kale Heshiiskan Is-faham ayay ka mid yihiin in saxaafadu si degdeg ah u dhisto una hawlgaliso guddida Anshaxa Saxaafada oo aan hore u jirin.

Heshiiska Is-Faham ayaa ka danbeeyey todobaado khilaafyo cakirani dhexmirayeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo warbaahinta Madaxabanaan, kaas oo salka ku hayey talaabooyin ka dhan ah saxaafada oo ay xukuumadu kula dhaqmaysay warbaahinta Madaxabanaan xili ay gudanayeen waajibaadkoodi shaqo, iyadoo xabsigana u taxaabtay suxufiyiintii ugu tirada badnaa tan iyo intii Somaliland xornimadeeda la soo noqotay.

Heshiiskan Is-faham oo shalay ay si wada jir ah u soo saareen Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Xukuumadu oo nuqul ka mid ah heshiiskaas is-fahan uu soo gaadhay Wargeyska Haatuf ayaa waxa ku saxeexnaa Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh iyo Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, isaga oo dhamaytirana waxa uu u dhignaa sidan:-

“Iyada oo laga duulaya qodobka 12-aad ee Distuurka Qaranka oo amraya Madaxbanaanida Xoriyatul Qawlka, Saxaafadda Madaxabanaan iyo hab waafaqsan nidaamka xalinta khilaafaadka ee ay Somaliland ku caano maashay ee dhaqanka ay u leedahay, isla markaana uu jideeyey distuurka qaranku sidii loo damin lahaa khilaaf sii baaha, waxa 17-kii January 2012-ka iyo 20-kii January 2012 la qabtay kulamo saddex geesood ah oo ay soo qaban qaabiyeen Dalada ururada dhalinyarada ee Sonya oo dhexmaray ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Xukuumadda, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Garyaqaanka guud ee qaranka oo isku dhinac ah, kulamadaas oo qasdigoodu ahaa sidii loo dhamayn lahaa xurgufta iyo isfahan la’aanta ka dhex aloosantay xukuumadda iyo Warbaahinta, ka dib wada hadal iyo doodo dhaadheer oo lagu falanqaynayey isfahan-waagaas iyo wixii caqabado ah ee jira waxa la isla gartay qodobadan:-

1. In ay xukuumadu faafiso oo la dhaqangaliyo xeerka Saxaafadda ee Xeer Lr 27/2004 oo hore Baarlamaanku u ansixiyeen, isla markaana Madaxwaynihii hore saxeexay hirgalintiisa.

2.  In wixii qabyo ah ee ku jira xeerka Saxaafadda iyo dhamaystirka qabyadaas ay ka wada tashadaan dhinacyada ay khusayso oo Saxaafadu ku jirto.

3. In Saxaafadu si dagdag ah u dhisto una hawlgaliso guddida anshaxa Saxaafadda.

4. In meel looga soo wada jeesto ilaalinta nabadgalyada iyo dhawrista qaranimada Somaliland.

5. In ay xukuumadu dhiirigaliso, kana qaybqaadato horumarinta Suxufiga iyo Saxaafadda.

Heshiiskan waxa wada jir u saxeexay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaaafinta Faysal Cali Sheekh iyo Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf”.