|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2882 |
January 24, 2012 Safar 30,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ergayga Dawladda Maraykanka U Qaabilsan Somaliland Iyo Somalia Oo Hargeysa Soo Gaadhay, Kana Hadlay U Jeedada Socdaalkiisa Hargeysa, January 24, 2012 (Haatuf) – Ergayga Dawladda Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr James Swan oo xafiiskiisu yahay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa shalay socdaal ku yimid Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Mr. Jameys Swan oo tafaasiil ka bixiyey ujeedada socdaalkiisa uu ku yimid Somaliland ayaa waxa uu sheegay inuu xukuumadda Somaliland kala hadlayo xaalada guud ee mandaqada ee dhinaycada nabadgelyada iyo horumarkaba, isla markaana tilmaamay inuu indho indhoynayo xaalada ku soo kordhay mandaqada iyo Somaliland, kaas oo tibaaxay inay Somaliland ka caawin doonaan arimahaas. Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr James Swan waxa uu ku dooday inay dawlada Maraykanku wada shaqayn iyo xidhiidh shan iyo toban jir ah ay la leeyihiin Somaliland, waxaanu xusay inay ku faraxsan yihiin horumarka, nabad-gelyada iyo dimuqraadiyada ka jirta Somaliland. Jameys Swan waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay la hadlayey saxaafada, isla markaana sharaxaad ka bixinayey heerka xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, kaas oo tilmaamay inuu yahay xidhiidh xoogan oo dhinacyo kala duwan leh. Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ayaa waxa uu sheegay in dalkiisa lagu marti qaaday shirweyne balaadhan oo Ingiriisku bisha February ee fooda inagu soo haya ku qabanayo London oo lagaga hadlayo arrimo la xidhiidha Soomaalida iyo mandaqadaba, waxaanu shirkaasi ku sifeeyay mid rajo weyn leh oo lagu darsi doono xaalada mandaqada iyo Soomaalida-ba. Mr. Jameys Swan waxa uu sheegay in shirkaasi ay ka qeybgeli doonaan hoggaamiyeyaal badan oo ka socda Afrika iyo caalamka-ba, dawladiisuna ay ka mid tahay dawladaha lagu casuumay ee goob jooga ka noqonaya shirweynahaasi. Dhinaca kale Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia James Swan ayaa shalay galabta kulamo la yeeshay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed C/laahi Cumar iyo Maxamed Nuur Caraale (Duur), kuwaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen oo aan saxaafada loo ogolayn, balse Ilo ku dhaw dhaw ayaa Wargeyska Haatuf u sheegay inay ka wada hadleen masuuliyiintaas xaaladaha amni ee gobolka, kaas oo uu Mr. Jameys Swan u soo bandhigay doorka ay diyaarka u tahay dawladda Maraykanku inay ka ciyaarto taageerada Somaliland ee lagu xoojinayo amniga dalka iyo ka mandaqadaba. Waxaana Mr, Jameys Swan uu maanta oo Salaasa ah la kulmi doonaa Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo la filayo inay ka wada hadli doonaan arimo badan oo ka mid yahay shirka London loogu qabanayo kooxaha Somalida, xaaladaha amniga ee mandaqada iyo taageerada dawladda Maraykanku ka gaysan karto baahiyaha Somaliland. |