Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2882

January 24, 2012                                                                           Safar 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Urur-Siyaasadeedka NUUR Oo Si-Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Gabiley, Xafiisyo Cusubna Ka Furay Degmooyinkiisa

Gabiley, January 25, 2012 (Haatuf) - Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka NUUR Axmed Aadan Sandoon oo ay wehelinayaan Mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Urur-Siyaasadeedkaasi ayaa maanta  soo dhawayn balaadhan oo meeqaamkeedu sarreeyo loogu qaabilay guud ahaan Degmooyinka Gobolka Gabiley oo ay ka furanayeen Xafiisyo cusub oo Ururkoodu ku yeelan doono degmooyinka Gobolka.

Gudoomiyaha iyo Xubnaha Weftigiisan oo Gallinkii hore ee Maanta soo gaadhay Magaalada Gabiley ayaa intii aanay soo gaadhin Xarunta Gobolka Gabiley Xafiiskoodii Koowaad ka furay Magaalada Arabsiyo ee ka tirsan

Gobolka Gabiley. Halkaas oo ay kala hadleen Dadwayne aad u tiro badan oo ka tirsan Taageerayaasha Urur-Siyaasadeedka NUUR oo ay uga xog warrameen Mabaa’diida Ururka iyo Barnaamijka Ururka, Iyaga oo uga

taabtay Laba ilaa sadex qodob oo ka mid ah Barnaamijkooda oo uu ka xuseen In Ururkoodu uu nuuri doono oo u dadaali doono Diinteena Islaamka, Sidoo kalena waxay xuseen in Ururku naafayn doono Musuqmaasuqa ku habsaday Dalka, waxaana hadalladoodii ka mid ahaa “Walalaayaal Ururkan NUUR waxaa Mabaa’diida uu aaminsan yahay ka mid ah in uu Nuuro oo daryeelo Diinteena Islaamka, inuu Naafeeyo Musuq-maasuqa ba’an ee ku habsaday Dalkeena”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka NUUR Axmed Aadan Sandoon.

Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka NUUR waxa kale oo uu wax ka taabtay Taariikhdiisii hore ee Ganacsi, Isaga oo ku dabaqay Waayo aragnimada uu u leeyahay ka faa’iidaysiga Fursadaha, “Walaalayaal waxaan Ganacsade soo ahaa ilaa Sodon sanno iyo dheeraad, waxaan Waayo-arragnimo u leeyahay sida looga faa’iidaysto Fursadaha, Alle

waxa uu inagu uumay Buqcad oo inagu beeray Meelo hadii Caqli iyo fakir loo helo looga faa’iidaysan lahaa si waafiya oo sababi lahayd in dhamaan Dadkeenu ka hawl galaan oo ka shaqeeyaan inta kalena dilaali lahayd, Bal u fiirso Magaalooyinka Berbera iyo Tog-wajaale, walaalayaal cidii fursadaa uga faa’iidayn lahayd Dadkeena wali may Imanin, Annaga NUUR ahaan waxaa naga go’an in aanu Umada uga faa’iidayno Jaanisyadaa Alle ina siiyey”. Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka NUUR. Axmed Aadan Sandoon oo la hadlayey Boqolaal ka tirsan Dadwaynaha ku dhaqan Degmada Tog-wajaale oo ka mid ah Taageerayaashii sida wayn ugu soo dhawaysay Magaalada Tog-wajaale.

Mas’uuliyiinta Urur-Siyaasadeedka NUUR ooTaageerayaashiisa kala hadlay Barxad aad u ballaadhan oo ku hor taal Xafiiska Xarunta u noqon doona Degmada Tog-wajaale ee ka tirsan Gobolka Gabiley ayaa waxa kale oo halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Ururka NUUR Maxamed Odowaa oo Isaguna ugu xog warramay Dadwaynihii halkaa u tubnaa soo dhawaynta Ururka sababta loo aas-aasay Ururka, iyo sababta ay muhiimada u saarayaan guud ahaan Gobolkan Gabiley, waxaanu xusay in Gobolkan iyo Degmooyinkiisuba yihiin sida Gobolka Folorida oo Ururkii halkan Cudud ku yeeshaa uu noqon doono mid fawz ah oo ku guulaysanaya ka mid noqoshada Sadexda Xisbi Qaran ee u tartami doona Doorashooyinka

Madaxtooyada ee Fooda inagu soo haysa.

Waxa kale oo Isaguna Dadwaynihii halkaa kala hadlay Afhayeenka

Urur-Siyaasadeedka NUUR, ahna Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex C/Kariin C/laahi Xaashi oo Isaguna si wayn ugu mahad celiyey Taageerayaashii iyo Dadwaynihii sida quruxda badan ugu soo dhaweeyey guud ahaan Gobolka Gabiley gaar ahaan Degmada Tog-wajaale waxaanu hoosta ka xarriiqay in NUUR ahaan ay ka go’an tahay wax ka qabashada Baahiyaadka Asaasiga, iyo Adeegyada Arrimaha Bulshada, waxaanu xusay in ay Muhiimada saarayaan Degmada Tog-wajaale iyo guud ahaan Gobolka Gabiley . Waxaanu si wayn ugu mahad celiyey Mas’uuliyiinta sidan u sii abaabushay .