|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2882 |
January 24, 2012 Safar 30,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Furayaasha Horumarka Buugan oo uu qoray qoraaga dada yar ee Aadam Maxamuud Maxamed (Adam widhiidh) waa buug xambaarsan waayaha kala duwan ee nolosha, Waxana uu qoraagu buugan ugu magacdaray furayaasha horumarka,Q.15AAD .. FURAHA 5AAD:ISKU DAY IN AAD WAX QABATO waa furaha shanaad ee furayaasha horumarka, iskudaygu waa uu ka qaalisan yahay garashada, qofkuna waxa uu wax ku bartaa iku dayga, haddii aanad waxba isku dayin, waxba baran maysid, haddaad aragtid saynis yahanka adduunka soo maray waxay ahaayeeen dad wax isku dayaya tusaale ahaan: *albert einstine: wuxuu dhashay 14 march 1879kii wuxuu ku dhashay jarmalka wuxuu galay iskuulka waxa uu ahaa saaqid, waxa uu dhacay imtixaano fara badan, macalimiintu waxay maalin kasta ka caban jireen dabeecad xumidiisa iiyo saaqidnimadiisa, waxa uu hadalka caadiga ah bilaabay markuu 4jir ahaa qof aan waxba akhriyi karayn buu ahaa, laakiinse aad iyo aad ugu fiican muusiga iyo ku ciyaarida qalabka muusikada ah ee loo yaqaano violin waxa uu tagay switzerland waxana uu bartay xirfado fara badan waxaana uu isku dayey inuu sharaxo qaar ka mida qawaaniinta isaak niyuutan iyo brownian movement, intaa kadib wuxuu ka shaqeeyey maraykanka intu dadaalay kadib wuxuuna noqday saynisyahanda ninka calanka u sida qarnigan 20aad waxaana uu ku soo kordhiyay physics-ka waxyaabo fara badan wayna layaabi jireen baryihii dambe dadkay isku waqtiga ahaayeen, waxaana uu ahaa yahuudi, u fiirso markuu iskuday ayuu wax fahmay uuna noqday saynisyahanada ugu waaweyn adduunka. sidoo kale gregore mendel oo la odhan karo waxa weeyey ninkii salka u dhigay cilmiga genetics and inheritance oo ah qeyb kamida qeybaha ugu waawayn biology-ga waa caalim caanka ah adduunyada ayna suuragal tahay in magiciisa la sheego maalin walba adduunka oo dhan haddana ninka sidaas ahi waa uu dhici jiray imtixaanada. Sidoo kale thomas edison oo ahaa ninkii ugu horreeyey ee laambad shiday markii uu yaraa saaqid ayuu ahaa ilaa ay gaadhay inay macalimiintu ka soo cawdaan, waxaana uu ku fashilmay laambada shidideeda 9999 jeer haddana taasi umay siyaadin dadaal waxaan ahayn, waana uu isku dayay ilaa markii 10,000 aad uu ku guuleystay. Sidoo kale siibawayhi oo ah nin carabida imaam ku ah kitaabka ugu qiimaha badan xaga naxwaha carabidana qoray waxa ay ahayd sababtii ku keentay carabidaas inuu bartoo inuu maalin maalmaha ka mid ah uu soo fadhiistay xalaqadii sheekhiisa xammaad ayaa uu ku qeyliyey oo uu ku yidhi wax iska sax dabadeedna maalintaas buu iskudayay inuu carabida barto intaa kadib waa taa illaa hadda la isticmaalayo cilmigiisii. Haddaba wuxuu sameeyey iku dayid ma isku dayi kartaa adigu wax kaste?!. Qofku waa xaga uu dhigo naftiisa ee haddaba wax ma iska badali kartaa adigu??! Isku day inaad dadaashid waxaad gaadhi doontaa himiladaada xaqiiqdii anigu waxaan isleeyahay luqadeenan soomaaligu waa luqad aad iyo aad u hodan ah waxa ka horumarsan luqada carabida oo qudha xataa luqada carabida soomaaliga ayaa ka horumarsan meelaha qaarkood sida (saadambe, iyo saakuub). Waxay aynu nahay dad luqad leh laakiin waxey weydey luqadeenu cid ku faanta, waxaynu leenahay suugaan yahanno aad iyo aad umuusaan culus laakiin cidda ka faaidaysanaysaa aad ay u yartahay tusaale ahaan: { salaan carrabey, ina sanweyne, suldaan diiriye, sayid maxamed cabdulle xasan, , hadraawi, gaariye, qamaan bulxan, cali aadan gorayo.}. iyo kuwo kale oo aan la soo koobi karin waa inaad isku daydaa inaad taariikhdooda iyo xikmadahooogii ururisid naftaada, dadkaada, dalkaaaga iyo afkaagaba aad ku anfacdid tusaale ahaan haddaba haddaad ogaatid inaad ku fiicantahay siyaasada isku day inaad akhridid taariikhda, daraasad la sameeyey ayaa lagu ogaaday dadka iyo waxyaabaha ay ku wanaagsan yihiin iyo habka wax dhigashada siday ugu fiicanyihiin, dadku waxa ay wax u dhigtaan siyaabo kala duduwan qaarbaa wax ku bartaa wax akhriska, qaarbaa wax ku barta dhagaysiga, qaarbaa wax ku barta habka qabashada. ((ku noolow saamaxaad,ku noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha)) haddaba daraasadaa aynu soo sheegnay waxa lagu ogaaday in dadku u kala baxaan: 1:kuwo wax ku barta dhagaysiga (auditory learner) sida ugu wanaagsan ee ay wax ku bartaana waxa weeya marka ay helaan duruus ku salaysan hab maqaleed ama dhagaysi (auditory language format) miyay u eegtahay in aad wax si wacan ugu barato fasalada uu macalinku inta badan hadlo iyadoo ay ku caawiyaan dhagaysiga cajaladuhu? Miyaad mar marka qaarkood is aragtaa adiga oo cod dheer ku dhawaaqaya si aad wax u xasuusato, ama aad u fahanto, haddaad astaamahaa isku aragtid waxad tahay dhagaysi wax ku barte 2:kuwo wax ku barta muuqaalka (visual learners) sida ugu wanaagsan ee ay dadka qeybtani wax ku bartaan waa inay helaan duruus qoraal ah (writen language format) ama mid mid muuqaal sida sawirada iyo shaxanada , miyaad si wanaagsan wax ugu barataa marka uu macalinku sabuurada uu qoraal farabadan ku qoro, uu ardaydana siiyo waraaqo(handonts) si bayaan ah til u qoran isagoo markaa isticmaalaya mashiinada muuqaalka (over head projects) miyaad isku dasydaa in aad maskaxda ku sawiratid muuqaalada? Haday haa tahay jawaabtu waxaad tahay muuqaal wax ku barte. ((ku noolow saamaxaad,ku noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha)) LASOCO |