Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2882

January 24, 2012                                                                           Safar 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Siirada Saxaabada Rasuulka (scw)

Taariikhda Asxaabiga Wayn Ee ABUU CUBEYDA BINU AL-JARRAAX Amiinkii Umada Nabi Muxamed (scw)     Q.1AAD

Wuxu lahaa weji furan oo qurxoon iyo joog jamaal dhammeystiray. Mu lahayn hilib  sii weyn, dherer iyo fudeyd xagga jidhka ah ayaa intaas u sii dheeraa. Way ku il-qabowsanaysay isha eegaysa xaggiisa, wehel iyo xasilooni ayuu ka helayay qofka agtiisa jooga. Dhinaca kale, waxa kale oo intaas u sii dheeraa, isaga oo ku tilmaanaa jilicsanaan uu u hayo walaalihiisa islaamka iyo xishood badan. Hase ahaatee, hadduu arrinku dhinaca kale isu beddelo wuxu noqonayay qof la dhiidhiya duruufta marka uu ku jiro. Saxaabiga aan soo sifaynay  waa saxaabigii lagu ammaanay dhowrista ammaanada, loona bixiyay amiinka Ummadda Nebi Muxammad (scw), waa saxaabigii isaga oo dunida saaran loogu bishaareeyay in uu geli doono Jannada, waa saxaabiga lagu magacaabo Caamir Binu Cabdillaahi Binu Al-Jarraax, Ilaah ha ka raalli noqdee, kana dhashay qureysh, kunyadiisuna ay tahay Abuu Cubeyda.Muxu  Cabdullaahi Binu Cumar ka yidhi Abuu Cubeyda Cabdullaahi Binu Cumar Ilaah ha raalli noqdee  isaga oo sifeenaya oo tilmaamaya Abuu Cubeyda wuxuu yidhi “saddex qof oo ka soo jeeda qabiilka qureysh waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban xagga akhlaaqda, xagga xishoodkana ugu sugnaan badan, haddey kuu sheekeeyaan lagama yaabo inay been kuu sheegaan, haddaad u sheekeesana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin Abuubakar Assiddiiq, Cusmaan Binu Caffaan iyo Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax”. Wuxu  Abuu Cubeyda Alle ha ka raalli noqdee ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee soo gala diinta islaamka. Maalintii labaad ee uu Abuubakar soo islaamay ayuu Abuu Cubeyda isna soo islaamay, waxana  in uu soo islaamo sabab u ahaa isla Abuubakar Assiddiiq  Alle ha ka raalli noqdee. Abuubakar wuxu Abuu Cubeyda, Cabdiraxmaan Binu Cawf, Cusmaan Binu Madcuun iyo Al-Arqam Binu Al-Arqam u keenay  Rasuulka (scw), waxana loo qabtay  ashahaadada towxiidkana way ka  hor qireen Rasuulka (scw), waxayna maalintaas wixii ka danbeeyay noqdeen saldhigyadii ugu horeeyay ee lagu taagay diintii islaamka ee saraysa.Imtixaanadii la mariyay Abuu Cubeyda: Alle ha ka raalli noqdee wuxu Abuu Cubeyda billowgii diinta islaamka la kulmay tijaabooyinkii cuslaa ee qadhaadhaa, isaga oo jooga magaallada Makka, wuxuna imtixaankaa ku jiray billaw ilaa dhammaad. Wuxu Abuu Cubeyda la qaybsaday dhibaatooyinkii waaweynaa ee soo gaadhay muslimiinta, isaga oo muujiyayna sugnaansho iyo akeysi weyn, wuxuna si dhab ah u rumeeyay Eebbe (sw) iyo Rasuulkiisa (scw) mowqif kasta oo la joogo.

Hase ahaatee, imtixaanadii iyo tijaabooyinkii la mariyay Abuu Cubeyda maalintii dagaalka Badr wuxu dhaafay dhammaan dadka wax xisaabiya xisaabtankooda, sidoo kale wuxu dhaafay dadka wax mala-awaala mala-awaalkooda. Wuxu Abuu Cubeyda maalintii Badr dhex jeexay safafkii gaallada sida qof aan ka cabsi qabin geeri ama dhimmasho, jeer ay ka cabsadeen gaalladii. Waxa xaggiisa soo usoo hinqan kari waayay fardoollaydii dagaalyahaniinta ahaa, iyaga oo markasta ka fogaada dhinaca uu ka dagaalamayay Abuu Cubeyda.