Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2882

January 24, 2012                                                                           Safar 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Daafaha Dunida: Wax Kabaro Dalka Jamhuuriyada Bolivia

Dalka jamhuuriyada Bolivia (Republic of Bolivia). Dalka Bolivia waxa uu ku yalaa badhtamaha qaarada koonfurta America ama Latin America. Waana dal xuduudo la wadaaga dalalka ugu waaweyn ee qaarada Latin America sida  Brazil, Argentina, Paraguay, Chile iyo Peru.  Dalka jamhuuriyada Bolivia waa dal aan lahayn waxa bad ah guud ahaana waxa ku hareeraysan wadamo kale. Caasimada dalkana waxa layidhaa La Paz, oo dadka ku dhaqani gaadhaan (820,888) waana fadhiisinta dowlada dalka jamhuuriyada Bolivia, laakiin waxa caasimad ahaan loo aqoonsan yahay magaalada Sucre.

Bedka:  Bedka uu ku fadhiyo dalka jamhuuriyada Bolivia waxa lagu qiyaasaa 424,164.11  oo (mayl laba jibaaran), una dhiganta 1,098,580.00, oo  (kiiloo mitir laba jibaaran). Baaxada dalka jamhuuriyada Bolivia waxa lagu qiyaasaa sadex meeloon hal meel gobolka (Montana) ee dalka Maraykanka.

Dadka: Dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Bolivia waxa ay kor u dhaafaan  9.9-milyan oo ruuux, waana tirakoobkii la qaaday sanadkii 2010-kii. Saadaasha dadka reer Bolivia ee sanadka 2050-ka waxa lagu qiyaasay in ay gaadhi doonaan 13-milyan oo ruux.

Afka: Luuqadaha lagaga hadlo dalka jamhuuriyada Bolivia waxa kamid ah luuqada Spanish-ka oo ah luuqada koowaad waxa kale oo iyaguna ah luuqado si buuxda loogaga hadlo dalka Bolivia luuqadaha  Quechua iyo  Aymara.

Aqoonta: Dadka aqoonta leh ee dalka jamhuuriyada Bolivia waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 83.1%.

Diinta: diimaha ay kala haystaan dadka jamhuuriyada Bolivia waxa kamid ah diinta kiristanka gaar ahaan madaahiibta Roman Catholic oo dadka haysta lagu qiyaaso boqolkiiba  95%,  Protestant-ka gaar ahaan  (Evangelical Methodist) ay ka haystaan inta soo hadhay ee dadka reer Bolivia.

Cimriga: Raga ku dhaqan dalka jamhuuriyada Bolivia waxa lagu qiyaasaa da’dooda 61-sano, dumarka reer Bolivia iyagana  waxa ay da’doodu  gaadhaa

66-sano.

Dawlada: Qaab dhismeedka ama sida ay u shaqayso dowlada dalka jamhuuriyada Bolivia waa nidaamka jamhuuriga  (Government Type Republic).

Lacagta: Lacagta dalka laga isticmaalo waxa la yidhaa  boliviano.

Warshadaha: Warshadaha wax soosaarka ee dalka Bolivia waxa ay soo saaraan Batroolka, cuntooyinka iyo shaaraabada, tubaakada, diyaaradaha, iyo dharka.

Beeraha: Beeraha jamhuuriyada Bolivia waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin  geedka loo yaqaan soybeans, coffeega,  kookaha (coca), cudubiga , galayda, sonkor khaata, Bariiska, baradhada iyo geedka timer-ka.

Dhulka la isticmaalo ee dalka jamhuuriyada Bolivia waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 2%.

Khayraadka:  Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Bolivia  waxa kamid ah macdanta, Tin, gaaska dabiiciga ah, Batroolka, zinc, tungsten, antimony, qalin, iron, lead, geedka timber-ka, awooda biyaha lagaga dhaliyo tamarta ee (hydropower) iyo Dahabka.