|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2882 |
January 24, 2012 Safar 30,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Jose Mourinho Oo Diiday In Uu Ka Jawaabo Orintii Kaka Timid Taageerayaasha Kooxdiisa Real Madird Kulankii Athletic Bilbao Tababare Jose Mourinho ayaa diiday in uu ka jawaabo su’aalo la xidhiidha isku dhicii la sheegay in ay isku dhaceen Sergio Ramos iyo Iker Casillas jimcihii, waxana uu sidoo kale sheegay in aanu waxba u arkin dhawaqii ay ku ooriyeen taageerayaasha Real Madrid intii uu socday kulankii ay 4-1 kaga badiyeen kooxda Athletic Bilbao. Real ayaa ku jirtay maalmo adag markii ay arbacadii guuladarro 2-1 ihi ka soo gaadhay kooxda Barcelona lugta hore ee wareega 8da Copa del Rey, islamarkaana Pepe lagu eedeeyay in uu si kas ah gacanta ugaga istaagay Lionel Messi. Pepe waxa uu sheegay in ay si kama ah ku dhacday, lakiin saxaafada gudaha ayaa si aad ah u dhaleeceysay, oo weliba ay ku jiraan wargeysyada Madrid ka soo baxa ee kooxda taageerada u ah. Marca, oo ah wargeyska loogu iibsiga badan yahay ayaa qoray in Mourinho ay isku dhaceen difaaca kooxda Sergio Raos intii lagu guda jiray tababarkii jimcihii lasoo dhaafay. Ka dib shirkiisii jaraa’id ee ciyaartii Axadii Mourinho waxa uu diiday in uu ka hadlo arintaa uu qoray wargeyska Marca, isaga oo labo jeer suxufiyiinta ka dhexgalay su’aashooda una sheegay in aanu weli akhriyin waxa ku qoran wargeyska. Waxa sidoo kale wax laga weydiiyay sawaxankii ay ku la kaceen taageerayaasha Real Madrid intii ay socotay ciyaartii Bibao, waxana tababarihii hore ee kooxaha Porto, Chelsea iyo Inter Milan uu sheegay in ay aheyd markii ugu horeysay ee tariikhdiisa kubada cagta ay ku dhacdo sidan oo kale balse aanu wax dhibaato ah u arkin. “Waa markii ugu horeysay ee tani ay igu dhacdo. Waxbana maaha” ayuu yidhi Mourinho sida ay qortay Eurosport. Taageerayaasha Real Madrid ayaa hore ugu oriyay ciyaartoydii hore ee Real sida xiddigii Faransiiska Zidane iyo xddigii Brazil Ronaldo, iyo xiddiga haatan ciyaaraya ee reer Portugal Cristiano Ronaldo, waxana tababaraha reer Portugal uu yirdhi: “Hadii ay igu orin lahaa koox aan waligeed cid kale ku orinin, markaa way igu adkaan laheyd in aan aqbalo, tusaale ahaan Chelsea oo kale” ayuu yidhi. “Lakiin garoon lagu soo oriyay ciyaaartoyda adduunka u fiican, anigu halkeen ku jiraa? Wax dhibaato ah iguma heyso.” “Zidane waxa uu kaga jawaabay kubadiisa cagta, sidoo kale Ronaldo iyo Cristiano iyaguna sidaas ayay sameyeen” “Waxan sii wadi doonaa in aan shaqeeyo, waxana laga yaabaa maalin in aan ka jawaabi doono oo ay ka xumaan doonaan wixii ay maanta sameeyeen” |