Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2882

January 24, 2012                                                                           Safar 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Harry Redknapp Oo Ugu Baaqay FA-ga In Ay Talaabo Ka Qaadaan Ciyaaryahan Balotelli

Tababaraha kooxda Tottenham  Harry Redknapp ayaa ka dalbaday xidhiidhka kubada cagta Ingariiska ee FA in ay talaabo ka qaadaan Mario Balotelli oo uu ku eedeeyay in uu ku kacay fal qalalaase ah oo ka baxsan kubada cagta. Balotelli ayaa guul muhim ah u xaqiijiyay kooxda hogaanka heysa ee Manchester City ka dib markii uu dhaliyay rikoodhe dhamaadkii ciyaarta taas oo keentay in Manchester City ay 3-2 kaga badiso kooxda Tottenham. Lakiin tababaraha kooxda Spurs Redknapp ayaa sheegay in ciyaaryahanka Manchester City oo bedel ku soo galay ay ahayd in casaan la siiyo ka dib markii uu madaxa kaga istaagay ciyaaryahan Scott Parker. “Lugta hore waxa ay noqon kartaa mid kama ah, lakiin ta labaad, si cad ayuu madaxa ugaga istaagay. Ma aqaan in FA-gu arintaan baadhi doono, lakiin waa in ay eegaan, ” ayuu yidhi Redknapp sida lagu daabacay Daily Mail. Redknapp ayaa waxa taageeray kabtankii hore ee Liverpool Graeme Souness, oo sheegtay in Balotelli uu ogaa waxa uu sameynayo, waxana uu ku eedeeyay garsoore Howard  Webb in aanu casaan u taagin. Iyada oo xilli ciyaareedkan Balotelli uu casaan hore u soo qaatay, hadii FA-ga ay soo galaan arintan oo baadhaan islamarkaana danbi lagu helo waxa la filan karaa in la ganaaxo afar kulan. Redknapp ayaase dacwad ka qabin rikoodhidii ay kooxdiisu gashay dhamaadkii ciyaarta, isaga oo yidhi: “Waxa ay u muuqatay rikoodhe, lakiin ciyaaryahanka dhaliyay muu ahayn in uu garoonka ku sii dhex jiro, maahana markii ugu horeysay ee sidan uu sameeyo, mana noqon doonto markii ugu danbeysay”.