Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2883

January 25, 2012                                                                           Safar 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xildhibaan Nacnac Oo Sheegay In Aan Fariimaha Madaxtooyada Ee Xilka Lagaga Qaadayo Saraakiisha Dawladda Isaga Loo Soo Dhiibin

Hargeysa, January 25, 2012 (Haatuf) – Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah xubnaha golaha Wakiilada ee sida weyn ugu dhawdhaw Madaxtooyada ayaa gaashaanka ku dhuftay in xil ka qaadistii Marwo Ismahaan shaqadii ay ka haysay wasaarada Ciyaaraha lagaga eryey fariin Madaxweyne Siilaanyo isaga u soo faray Wasiirka Ciyaarahu inuu haweenaydaa shada ka eryo, waxaanu intaasi ku daray in aanu aqoon u lahayn Haweenaydaasi.

Xildhibaan Nacnac ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay Galab khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeyska Haatuf, kadib markii marwo Ismahaan oo ay sheegtay in wasiirka ciyaaruhu u sheegay in shaqa ka erigeeda Madaxweynuhu soo faray xildhibaan Nacnac, taas oo xildhibaanku uu sheegay in aanay waxba ka jirin.

Mudane Axmed Diiriyo oo aanu waydiinay maadaama oo uu xildhibaan shacbigu soo doortay uu yahay sida uu u arko in Shaqaalaha dawladda lagu eryo xukuumadii UDUB ayaad u ololaynaysay, maadaama oo aanay ahayn Wasiiro iyo Agaasimayaal ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arintaasi, balse waxa uu si kooban u yidhi sababta ha la waydiiyo Madaxweyne Siilaanyo.

Xildhibaan Nacnac oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Gabadhan ma aqaano fariintana la ima soo faro, Ninkaa meesha haysta ayay jirtaa cida uu eryayo iyo cida uu shaqaalaysiisanayo, wakiilbaan ahay qofkii yidhaahda waxbaa la igu sameeyey wax waan la qaban karaa marka aan awoodo, fariimo la ima soo faro, qofka la eryayo iyo ka la keenayo ma ogi xildhibaan qaran ayaan ahay. Xukuumadu waa xukuumadii aan soo dhisnay hiil iyo hooba waan la barbar joogaa, markaa wax madaxtooyada soo galiyey ayaan la yaabanahay”.