|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2883 |
January 25, 2012 Safar 30,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Cambaareeyay Xaqdarada Xukuumadu Shaqada Kaga Eriday Marwo Ismahaan, Kuna Tilmaamay Mid La Mid Ah Talaabadii Marwada Madaxweynaha Shaqada Loogu Diiday “Waxaanu U Aragnaa Arrinta Muwaadinadaa Shaqada Lagaga Erayay Arrin Cunsuriyad Ah” Md Baar Siciid Hargeysa, January 25, 2012 (Haatuf) - Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee ka0 soo kala jeeda saddexda xisbi qaran ayaa dareen isku mid ah ku cambaareeyay talaabada ay xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ay shaqada kaga eriday marwo Ismahaan Yuusuf Cali, oo wasaarada ciyaaraha ka shaqaynaysay muddo afar sanadood ah, sheegtayna in shaqadeedii lagaga eryay xisbiga Udub ayay ka tirsanady,arrintaas oo ay xildhibaanadu ku tilmaameen mid xadgudub iyo meel ka dhac ku ah xuquuqda muwaadinka, isla markaana la mid ah talaabadii xukuumadii hore ee Rayaale ay badhtamihii 2006-dii shaqadii ay ka heshay hay’ada Care marwada madaxweynaha marwo Aamina waris sheikh Maxamed Jirde ay kaga hor istaagtay, iyago xukuumadana ugu baaqay in muwaadinadaasi xaqeedii shaqo si dhakhso ah loogu celiyo ugana dibay in dhacdooyinka foosha xun ee lagu kala soocayo shaqaale hoosaadka dawlada ay xukuumada Siilaanyo ka waantowdo. Mudanayaasha golaha wakiilada oo si weyn uga wada xumaaday muwaadinadaasi xaq darada lagu eryay ayaa hadana qaar ka mid ah xildhibaanadaasi oo fadhigii shalay Haatuf uga xogwaramay aragtidooda ku wajahan asbaabta marwo Ismahaan Yuusuf Cali ay sheegtay in shaqada lagaga eryay. Ugu horayn Md Baar Siciid Faarax oo ka hadlaysa arrintaasi waxay tidhi “Aad baanu uga xunahay gabadhaa muwaadinada ah marwo Ismahaan ee shaqada laga eryay waxaanuna u aragnaa arrin cunsuriyad ku salaysan, waxaanuna xukuumada uga digaynaa in arrintaasi foosha xun ay dib uga noqoto’ Md Bashiir Xuseen Tukaale oo isaguna ka hadlaya arrinkaas waxa uu yidhi “Waxaanu u aragnaa muwaadiunad xaqeedii lagu xadgudbay, muwaadinku waxa uu xaq ugu leeyahay in dawladu shaqo abuur u samayso, laakiinse daryeel kale oo ay ka hesho iska daaye haddii shaqadii ayu xaqa u lahayd laga eryay waa arrin nasiib daro ah” Sidoo kale Md Maxamed Xuseen Ciise waxa uu yidhi “Shaqaale hoosaadka dawladu xaq bay u leeyihiin in xisbiga ay doonaan ay codkooda siiyaan, ta kale arrintii marwada madaxweynaha ay xukuumadii hore shaqadii ay heshay ay kaga horjoogsatay ayay la mid tahay, mana haboona in muwaadiniinta shaqada lagaga eryo xisbigaasu u codeeyay” Md Axmed Barkhad Obsiiye waxa uu yidhi “In muwaadiniinta lagu kala saaro UCID, Kulmiye iyo Udub waa xaaraan, muwaadinadanina waxay la mid tahay xubnihii Udub ee muwaadiniinta ahaa ee xilalka loo soo magacaabay, sida maareeyaha dekada Berbera Cali xoorxoor iyo qaar kale” Md Xuseen Ismaaciil waxa uu yidhi ‘Haddii sidaa ay sheegtay marwo Ismahaan shaqada lagaga eryay Udubnimo waa xaq daro iyo fadeexad’ md Muuse Maxamed Ismaaciil sidoo kale arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu u aragnaa muwaadinadaasi shaqada laga eryay gaf iyo meel la dhac lagu samaeeyay xuquuqdii muwaadiniinta, waxana la yaab ah madaxweyne Siilaanyo miyaanu muwaadiniinta saddexda xisbi iyo shacbiga Somaliand madaxweyne u wada ahayn” md Maxamed Barkhad Miigane waxa uu yidhi “Xaq bay u leedahay muwaadinadaasi in dalka ay ka shaqayso mana haboona in shaqaale hoosaadka dawlada cunsuriyad xisbiyeed lagu kala saaro” |