Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2883

January 25, 2012                                                                           Safar 30,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Shirkada TELESOM Oo Soo kordhisay Adeeg Cusub Oo Dadweynuhu Soo Dhoweeyeen

Hargeysa, January 25, 2012 (Haatuf) - Shirkada Isgaadhsiinta Somaliland ee TELESOM ayaa shalay soo bandhigtay adeeg cusub oo casriya oo la magac baxay “Ila Maqal”, kaas oo ka mid ah adeegyada Casriga ah ee ay shirkadu soo kordhisay.

Munaasabad balaadhan oo lagu daahfurayay adeegan casriga ah ee Ila Maqal oo lagu qabtay Xarunta Shirkada TELESOM ee magaalada Hargeysa ayaa Waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta Shirkadaasi

Ugu horayn Maamulaha qaybta Ganacsiga iyo Horumarinta ee Shirkada TELESOM Cabdi-Salaan Ismaaciil Nuur oo ka hadlay furitaanka Xafladaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegan cusub ee casriga ah iyo faa’iidada uu u yeelan doono macaamiisha Shirakada, isaga oo halkaasi ka akhriyay War-saxaafadeed faahfaahinaya adeegan cusub ayaa u dhignaa sidan:-

“Shirkadda Telesom waxay ku caan-baxaday hal abuurnimo iyo in ay ku horeyso wakhti kastaba sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah, oo kaabaya horumarka nolosha.

Telesom waa shirkaddii ugu horeysay ee dalka keenta, adeega caanka ah ee Zaad oo macaamiisheedda u suurta galiyay in ay macaamalaadka lacageed ku isticmaalaan Moobilkoodda, wax kale oo ay Shirkadda TELESOM ku suntan tahay in ay tahay Shirkaddii ugu horeysay ee dalka keenta adeega Mobilka, Internetka, GPRS-ka, Adeegayadda Aqoon maal oo ka kooban warar, Qamuus isugu turjumaya Somaliland iyo Englissh, Wikipedia, iyo Macluumaad badan oo faa’iido u leh bulshadda.

Haddaba kulankeenan maanta wax aynu ku soo bandhigaynaa Adeeg kale oo casri ah oo xiiso badan, isla markaana saamayn mug leh iyo isbadel ku yeelan doona isticmaalka Mobile-da TELESOM.

Adeegan oo aanu ugu tala galnay in macaamiishu kaga nastaan Codka macno daradda ah, ee Mobolka ee loo yaqaan (Ringing), kaas oo aanu ku badelnay codod faa’iido leh saameyna ku yeelanaya dhagaha macaamiisha.

Adeegan waxa aanu ugu wanqalnay “Ila Maqal” (Ringback tone): Waa adeeg dalka ku cusub oo muddadii uu tijaabadda ahaa xiisa galiyay macaamiisha, Adeegana waxa ku jira dhawr cod oo kala duwan

1. Quraan

2. Axaadiis.

3. Nashiido

4. Ducooyin

Mustaqabalka waxa lagu biirin doonaa barnaamijyo madadaalo iyo murti Soomaaliyeed sida gabay, Maahamaahyo iyo xikmaddo aan xajiin iyo turxaan lahayn.

Sida loo isticmaalo adeega ila maqal macaamiishu waxa ay garaacayaan Lambarka 118 ka dibna isaga ayaa ku hagaya”.

Si kastaba ha ahaatee adeegan ayaa noqonaya mid wax weyn ka tari doona macaamiisha Shirkadda Telesom.”