Buugan oo
uu qoray qoraaga dada yar ee Aadam Maxamuud Maxamed (Adam widhiidh) waa
buug xambaarsan waayaha kala duwan ee nolosha, Waxana uu qoraagu buugan
ugu magacdaray furayaasha horumarka,Q.16AAD
..
3:kuwa ku barta habka xifdiga
(tactile learners)
dadka qaybtan qabashada ama
xifdiga wax ku bartaa, waxay aad wax u bartaaan markay gacantooda
isticmaalaan (physical minupulation) miyaad haddaba adigu wax fahantaa
markaad farsama ahaan wax dhaqaajiso, ama aad gacanta ka shaqaysiiso?
Miyaad ku wanaagsan tahay fasalada shaqada laabka(laboratory) leh sida
fasalada sayniska? Aad miyaad u fahantasa markaad walax(object) aad
gacantaada ku haysid halkii aad sawir ku arki lahayd afka lagaaga sheegi
lahaa?
Haday jawaabtu haa tahay waxa
hubaal ah in aad ku fiicantashay habka qabashada ood si wanaagsan wax
ugu baran lahayd , habkaaga wax barasho oo aad ogaataa wuxuu kuu
sahlayaa inaad gaadho himiladaada shakhsiyadeed.
Ogow haddaanay adduunka isku
day aanuu jirin noloshu cidhiiidhi ay gali lahayd waxa uu yidhi ibnu
jawzi ((haddii nabinimada tartan loo galayo wax kahooseeya inaad
rajaysaa waa nacasnimo)). Waa inaad isku daydaa wax wal oo suurta gal ah
tusaale ahaan wuxuu isku dayey mahatma gandhi (1869-1948) inuu xoreeyo
dalkiisa hindiya si nabadi ku jirto waana uu ku guulaystay.
Dhibaata waliba xal bay
leedahay waana la heli karaa xalkeeda haddii laysku dayo.
((ku noolow saamaxaad,ku
noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha))
haddaba waxa jira dad
farabadan oo markay isku dayaan wax dabadeedna ay wax ka horyimaadaan
aan xallin karin mushkilaatka waxa uu sheegay professor maraykani inuu
akhriyay taariikhda 500 oo qof oo dhammaantood guul darraystay oo ay ka
guulaysteen 5 qof oo qudha maxaa sababay in ay guuldarraystaan 45 qof oo
ay guulaystaan shan qof oo qudha waxa ay u adkaysan kari waayeen
waxyaabaha ka horyimaada ee dhibaata ah tusaale ahaan:
engeneir kamaladiin
engeneir kamaaladiin waa nin
56 jir reer masar ah, waana nin aqoon farabadan u leh computerka waana
mulkiilaha shirkad ku taala magaalada qaahira oo ka ganacsata
koombuyuutarada, waxa ninkani uu xallin kari waayey dhibaatooyinkii ka
hor imanayey isaga shirkadiisa, waxa aanuu garaneyn qaabka wax loo
xaliyo waxa uu khasaaray silama filaana 1 million oo ah giniga masar
waxaana uu ka baqay inuu faqri ku dhaca, markaas ayuu cadhooday oo faash
madaxa kaga jaray xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray cabla waxayna ahayd
53jir, waxa uu sidooo kale uu galay qol ay huruday inantiisii oo la
odhan jiray salma oo 26jir ah, oo macalimad ahayd sidii oo kale ayuu
iyadana madaxa kajaray, sidoo kale waxaa soo toosay inankiisii usaama oo
ahaa 28jir oo engeneir ah waxaana uu dabada u qabtay faash ilaa uu ka
dhimanayey, waxay dhacday 19/1/2009. seegayna adduunyo iyo aakhiroba.
((ku noolow saamaxaad,ku
noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha))
Sidee baad u xalisaa
dhibaatooyinka kaa horyimaada??
1:marka uhorraysa waxaad talo
saaranaysaa ilaahay.
2:waxaad meel kuqoraysaa
dhibaatada kuhaysata, waxa uu sheegay professor maraykani in ay u
dhiganto cadaynta dhinbaatadu 50% xalinta mushkilada.
3:waa in aad ka fikirtaa wax
yaabihii keenay dhibaatada ku haysata sababta oo aad garataana waxa ay u
dhigantaa 20% xalinta mushkilada.
4:waa in aad ka fikirtaa
siyaabaha suurta galka ah ee lagu xalin karo dhibaatadan, waxa suurta
gal ah in aad heshid 20 siyaabood oo loo xallin karo dhibaatadaas.
5:kadib waxa aad dooranaysaa
xalka ugu wanaagsan ee lagu xallin karo dhibaatadaa.
6:haddii xalkii ama
furfurihii dhibaatada uu ku wada finlaan waayo, waa inaad isku daydaa
xal labaad inaad
u heshid dhibaatada, haddii
aad dariiqadan xallinta mushkiladda aad ku dhaqantid waxaa hubaal ah in
aad suulin kartoo mushkiladaas, waxaan ku haboon in aad raacdid intaanad
ka fakarin xalinta mushkilada arrimaha soo socda:
LASOCO
.