|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2883 |
January 25, 2012 Safar 30,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Siirada Saxaabada Rasuulka (scw) Taariikhda Asxaabiga Wayn Ee ABUU CUBEYDA BINU AL-JARRAAX Amiinkii Umada Nabi Muxamed (scw) Q.2AAD Hase ahaatee, waxa jiray nin isagu u soo banbaxay dhinacii Abuu Cubeyda, isaga oo xaga uu u dhaqaaqaba u daba galayay. Wuxu Abuu Cubeyda ahaa kii ka fogaada waddadii uu ka imanayay ninkaas, isaga oo ka fogaanaya la kulankiisa iyo in uu ku soo hagaago dagaalka. Weerarkii uu waday ninkii ayaa sii ballaadhay, Abuu Cubeyda dhinaciisana wuxu badiyay fogaanshaha, jeer markii danbe Abuu Cubeyda laga soo xidhay dhammaan waddooyinkii uu mari lahaa, isaga oo ka hor istaagayna la dagaalankii cadoowgii Alle. Ficilkiisa awgeed waxaa ku soo degtay aayad Qur’aan: Markii uu Abuu Cubeyda u adkeysan waayay arrintaas, ayaa wuxu seeftiisa kula beegsaday ninkii xaggiisa soo aadayay weliba dhufasho daran oo laba ka-kala dhigtay madaxiisa, sidiina ayuu ninkii dhulka ugu dhacay isaga oo dangiigan oo weliba dhintay. Haddaba, akhristow ha isku sii wareerin in aad ogaato qofka dhintay kuu yahay. Sow hore umaynu xusin, tijaabooyinkii qallafsanaa ee uu soo maray Abuu Cubeyda awgeed wuxu dhaafay kuwii wax xisaabinayay xisaabtankooda, sidoo kale kuwa wax mala-awaala mala-awaalkooda. Waxa dhici karta akhristow in aad aad ula yaabtid haddaad ogaatid in ninka la dilay uu yahay Cabdullaahi Binu Al-Jarraax oo ahaa Abuu Cubeyda aabihii. Dhab ahaantii Abuu Cubeydah muu dilin aabihii, balse wuxu dilay shirkigii iyo kufrigii ku dhex jiray aabihiis. Waxa Abuu Cubeyda isaga sababtiisa iyo arrinka aabihii dartii ku soo degtay aayad qur’aan ah, waana aayadda ugu danbeysa ee ku jirta suuradda Al-Mujaaddala. Wuxu Alle (sw) ku yidhi aayaddaas: “Ma helaysid qolo rumeenaysa Alle iyo maalinta aakhiro, kuwaas oo jecel cid Alle iyo Rasuulkiisa khilaafay, haba noqdeen kuwaas aabayaashooda, ubadkooda, walaalahood ama qabiilkoodaba, kuwaas (aan jeclayn kuwa khilaafay Ilaahay iyo Rasuulkiisa) wuxu Alle laabtooda ku qoray iimaanka, wuxuna ku xoojiyay ruux xaggiisa ka ahaatay, wuxuna gelinayaa Jannooyin ay dareerayaan xaggeeda hoose webiyaal iyaga oo ku waaraya jannada dhexdeeda, Alle wuu ka raalli noqday iyaga, iyaguna way ka raalli noqdeen, kuwaasi waa xisbiga Alle, xisbiga Alle-na waa kuwa guuleystay/liibaanay”. Waa sida lagu sheegay Ayadda 22 ee Al-Mujaadalah.Waa amiin isla markaana ku adag diintiisa: Inuu Abuu Cubeyda dilo aabihiis ayaan ahayn wax sidaas loola yaabo, maxaa yeelay waxay awoodda rumeyntiisa Eebbe (sw) gaadhay, iyo taageerada uu ku bixinayo diintiisa iyo weliba amaanadiisa ee ummadda Nebi Muxammad meel ay u hanqal-taagto nafo fara badan marka laga eego Eebbe (sw) agtiisa. Waxa sheekeeyay Muxammad Binu Jacfar, wuxuna yidhi: “waxa Rasuulka (scw) u yimid wafdi koox kiritaan ah, waxay ku yidhaahdeen: Yaa Abal-qaasim (mid ka mid ah kunyada Nebiga s.c.w ee aan habboonayn in uu qof kale ku kunyoodo ama la baxo) waxad noo soo dirtaa nin ka mid ah asxaabtaada oo aad raalli nooga tahay, si uu noo kala garsooro dhexdayada arrimo la xidhiidha hanti aan isku qabanay awgeed, haddaad tihiin jamaacada muslimiintana waxaad tihiin kuwo xagayaga laga raalli yahay”. Rasuulka (scw) wuxu ku yidhi “ii yimaada galabta, waxan idinku darayaa nin qawi ah oo amiin ah”. Cumar Binu Khadaab ayaa markuu maqlay hadalkaas wuxu yidhi: waxan wakhti hore sii tagay salaaddii duhurka, mana jeclaanin madaxtinimo maalintaas aan ka ahayn jaceylka aan u qabay in aan noqdo ninka leh tilmaantaas iyo sifadaas uu sheegay Nebiga (scw). Markii uu na tujiyay Rasuulka (scw) salaaddii duhurka, wuxu billaabay inuu eeg-eego xagga midigtiisa iyo bidixdiisa, anniguna waxan billaabay in aan kor ahaan u qooraansado, bal si uu ii arko Rasuulka (scw), sidii ayuu u eeg-eegayay Rasuulka (scw) asxaabta dhexdooda jeer uu markii danbe ka arkay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax, kadibna wu u yeeray, wuxuna ku yidhi: “waxaad raacdaa iyaga oo si xaq ah u kala xukun dhexdooda waxay isku khilaafeen”. Waxan naftayda ku idhi “waxa la tagay sifadii aan rabay Abuu Cubeyda”. |