|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2883 |
January 25, 2012 Safar 30,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Fabio Capello Oo Xulka Spain Ku Tilmaamay Mid Aan La Loodin Karin Xidigaha Barcelona Awgood Tababaraha xulka qaranka England Fabio Capello ayaa sheegay in xulka Spain uu yahay xul aan lagula tartami doono koobka Euro 2012 , waxna uu ku sababeeyay in ay ka buuxaan ciyaartoyda Barcelona, isaga oo sheegay in ay adag tahay in la hakiyaa, isaga oo farto ku fiiqay in Jose Mourinho ay ku adag tahay inuu hakiyo kooxda reer Catalan. Xulka England ee Capello uu macalinka u yahay ayaa si adag waxa ay 1-0 kaga badiyeen xulka Spain ciyaar saaxiibtinimo, waxana uu tababarihii hore ee AC Milan uu sheegay in Jose Mourinho uu weli jawaab u laa’yahay qaab ciyaareedka Barcelona. “Aniga ra’yi ahaanteyda Spain ayaa ugu cadcad Euro 2012. Waxa ay heystaan ciyaartoy badan oo Barcelona u ciyaarta” ayuu Capello u sheegay suxufiyiin ka qeyb galeysay xafladii lagu magacaabayay ciyaaryahanka sannadka Serie A. “Waxan kula kulanay ciyaar saaxiibtinimo sannadkii hore ciyaartoyda Barcelona, waxanan la dhacay qaabka ay u kubad u heystaan. Dad badan ayaa baadigoobaya in ay xal ka gaadhaan, oo uu ku jiro tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho, lakiin waxa uu awoodi waayeen in ay hor istaagaan” Real Madrid ayaa fursad kale u heli doonta oo ay kaga aarsato Barcelona marka ay caawa ku ku kulmaan Camp Nou lugta labaad ee Copa del Rey. Labadan kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona qardaraas ku qaatay koobabka dalka Spain iyada oo ilaa hada aanay jirin koox sadexaad oo la loomi kartaa. |