|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2883 |
January 25, 2012 Safar 30,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Van Persie Oo Taageero Buuxda U Muujay Tababare Asrene Wenger Ciyaaryahan Robin van Persie ayaa si cad u sheegay in aanu wax khilaaf ahi u dhaxeyn tababare Arsene Wenger iyo kooxda Arsenal. Warbixin qoraal ah oo si gaar ah ay u heshay jariirada The Sun ayuu kabtanka Arsenal markii ugu horeysay ka hadlayay arintii markii muuqaalo lagu arkay isaga oo si cadho leh uga jawaabaya bedelkii Wenger uu sameeyay ee keenay in si aad ah looga hadlo. Van Persie ayaa sheegay in aanu ugala jeedin in uu macalinkiisa kula tartamo go’aankiisa, waxana uu qirtay in aanu ogeyn in Alex uu dhaawac ahaa markii uu baxayay. “Aniga iyo tababaraha xidhiidh fiican ayaa naga dhaxeeya” ayuu yidhi Van Persie. “Wax dhibaato ah nama dhextaalo, wax khilaaf ahina ma jiraan” “Axadii kumaan xanaaqin tababaraha, laakiin waxan ka xumaa in uu Alex baxo isaga oo naga caawiyay goolka aan helnay” “Su’aal kama keenin go’aanka tababaraha, waan ogahay in ayna booskeyga aheyn in aan su’aal ka keenaa waxa uu sameeyo Arsene Wenger” “Isaga ayaa ah tababaraha, isaga ayaana go’aanada gaadha, waana intaa” “Sidii uu isagu yidhi ciyaarta ka dib, uma baahna in uu sharaax ka siiyo cidna sababtii uu bedel u sameeyay” “Waa uu saxan yahay in uu qof walba xusuusiyo in uu shaqadan soo hayay 30 sanno islamarkaana uu sameeyay wax ka badan 50 kun oo bedel isaga oo khibradaas leh waa maxay sababta ay u tahay in uu dadka uga qanciyo bedeladiisaas oo dhan?” “Isaga ayaa naga og, wuu ogyahay marka ciyaaryahan uu dhaawac soo gaadho, ama uu xanuunsado ama uu daalan yahay” “Alex Oxlade-Chamberlain waxa uu ku ciyaarayay dhaawac” “ maanu ogeyn, lakiin taabaraha ayaa ogaa sidaas ayuuna ku soo geliyay Arshavin” “Ixtiraam badan iyo jaceyl ayaan u qabaa Arsene Wenger” ayuu hadalkiisa kusoo koobay xiga reer Holland. |