|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2883 |
January 25, 2012 Safar 30,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ibrahimovic Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Laacibka Sannadka Ee Horyaalka Talyaaniga Oscar del Calcio Abaalmarinta sannadlaha ee Oscar del Calcio waxa ku guulaystay xidiga Sweden Ibrahimovich. Iyada oo AC Milan ay inta badan heshay abaalmarinaha ugu badan. AC Milan oo sannadkii hore ku guuleysatay Serie A ayaa isku qaadatay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka iyo tababaraha sannadka. Waxa jiray ilaa sagaal abaalmarin oo kale duwan oo laga bixiyay abaalmarintii 15aad ee ciyaaryahanka ugu fiican sannadka Serie A oo lagu qabtay magaalada Milan, iyada oo ciyaartoyda u sharaxan lagu dhawaaqay bishii December. Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic ayaa ku guuleystay ciyaaryahanka sannadka ee 2011 iyo ciyaaryahanka sannadka ajaaniibta ee 2011, halka Massimiliano Allegri uu ku guuleystay tababaraha sannadka 2011. Thiago Silva ayaa waxa la siiyay difaaca ugu fiican sannadka, halka Stephan El Shaarawy oo haatan Milan jooga uu ku guuleystay ciyaaryahankii ugu fiicnaa sannadka ee Serie B 2011. Rossoneri ayaa sidoo kale ciyaartoyda ugu badan ku leh kooxda sannadka oo la magacaabay. Udinese ayaa la siiyay kooxda ugu fiicneyd 2011, halka goolhayaha ugu fiican sannadka uu ku guuleystay Samir Handanovic Fabio Cannavaro iyo Alessandro Del Piero ayaa iyagana waxaa la siiyay abaalmarino sharafaeed, sidoo kale Fabio Capello ayaa isna abaalmarin sharafeed qaatay. |