|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2884 |
January 26, 2012 Rabi'al-Awal 03,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Shirka London Uga Furmaya Somalia, Dagaalkii Buhoodle Iyo Shirkii Taleex Ee Beesha Dhulbahante Kaga Dhawaaqday Khaatumo State Hargeysa, January 26, 2012 (Haatuf) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay markii u horaysay Shirka dawlada Ingiriisku ay ugu qabanayso bisha February ee socota London kooxaha Soomaalida, kaas oo sheegay inay ku gudo-jiraan wada tashiyo ay kaga arrinsanayaan mawqifka ay ka qaadanayaan Shirkaasi Dawlada Britain ku casuuntay Somaliland inay ka soo qayb gasho. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay dagaalkii Buuhoodle ku dhex maray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyo deegaankaasi ka soo jeeda oo uu ku tilmaamay in kooxo hubaysan oo khalkhal galinaya ummada ay ciidamadu dagaal ku qaadeen, balse aanu ahayn dagaal shacabka Buhoodle lagu qaaday. Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidaasi ku sheegay mar uu xalay Idaacada BB-C-da u waramay, waraysigaas oo arrimo doora uu kaga hadlay ugu horayna waxa uu yidhi “Shirkan Ingiriisku ugu yeedhay inay Somaliland ka soo qeyb gasho marti-qaadkiisii masuuliyiinta Ingiriisku way na soo gaadh siiyeen shirkaa arrintiisa. Somaliland waa dal madaxbanaan inkasta oo aanu ictiraaf haysan, haddana waa dal madax-banaanidiisa haysta oo sababo taariikheed oo dheer ay keentay madax-banaanidiisa oo dadkuna ay ku tashadeen. Inkasta oo aanay ictiraaf haysan Somaliland haddana dunidu way la shaqeysaa iyana way la macaamishaa dunida. Anagu shirkaa wixii aanu u aragno inay waxyeelayaan Madax-banaanida Somaliland dabcan kuma jirno. Shirkaas taladiisii iyo arrimihiisii ayaanu ku jirnaa oo waxaanu ka tashanaynaa wixii laga yeeli lahaa, waxaanu la tashanaynaa haddii Alle Idmo qaybo badan oo bulshada ka tirsan oo ay Axsaabta Siyaasaddu ka mid tahay”. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaasi ku daray mar uu ka hadlayey dagaalkii Buhoodle iyo Shirkii Taleex ka dhacay ayaa waxa uu dagaalkaasi ku tilmaamay mid ayaan darao ah, balse koox hubaysan oo ummadda khalkhal galinaysa ay ciidama qaranku talaabo ka qaadeen waxaanu yidhi “Horta marka hore Dagaalka ka dhacay Buuhoodle waa ayaan daro oo aad iyo aad ayaanu uga xun nahay dagaalku maaha dagaal aanu shacbi ku qaadnay ma aha, waxa jiray dagaal ciidamo hubaysan oo dadka khalkhal gelinayay ay Ciidamadu talaabo ka qaadeen ayaa jira, waanu ka xunahay haddii dad shacab ah dhibaato soo gaadhay ma rabno kumana talo jirno inaanu dad shicib ah waxyeelo. Ta labaad arrimaha ka soo baxay shirkaasi Taleex ee dhibaatooyinka kicinaya marka hore beeluhu way shiri jireen oo deegaanada dalka waynu ka warqabnay oo beelo badan ayaa shirayay laakiin waxay u shirayeen danahooda iyo deegaanadooda in wixii horumar ah ee dhinacyada Tacliinta, Biyaha iyo Caafimaadka ay ka qabtaan. Shirkaasi markiisii hore manaan diidin waayo markii hore la noogama dhigin shir goosi la imanaya, laakiin waanuse ka dignay oo waxaanu nidhi inta shirkaasi ahaanayo shir uu dadku aayihiisa kaga tashanayo waxqabadkiisa iyo horumarkiisa waxba kama qabno, laakiin Madaxbanaanida Somaliland waa ta halkaa ku taala ee Ducment-kaa ka muuqata ee ay way wada saxeexeen beelaha Somaliland shirkii Burco ee 1991-kii ee la isugu wada yimid”. |