Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2884

January 26, 2012                                                                Rabi'al-Awal 03,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Ciidamada Commandos-ka  Maraykanka Oo Xoog Ku Soo Furtay Laba Qof Oo U Afduubnaa Budhcad Baddeeda Somalia, 9 Ka Mid Ahna Dhafoorka Ka Toogtay

Ciidamadan Sida Gaarka Ah U Tababaran Ayaa La Sheegay Inay Ahaayeen Kuwii Osama bin Laden Pakistan Ku Dilay

Galkacayo, January 25, 2012 (Haatuf) Ciidamada sida gaarka ah u tabararan ee Kamaandoska dalka Maraykanka ayaa xoog ku soo furtay laba muwaadin oo u kala dhashay dalalka Maraykanka iyo Denmark oo ka hawlgalayey hay’adaha gargaarka oo in

muddo ah u afduubnaa Badhcad Baddeeda Somalia ayay habeen hore ciidamada Maraykanku ay hawlgalkaasi ku dileen 9 ka mid ah budhcad baddeedii afduubka ku haysatay labadaa qof.

Hawlgalkan lagu soo furtay Jessica Buchanan 32 jir ah oo u dhalatay dalka Maraykanka iyo Poul Hagen Thisted oo ah 60 jir u dhashay dalka Denmark ayaa u shaqaynayey hay’adda gargaarka ee Demining group, kuwaas oo laga afduubay magaalada Gaalkacayo ee maamul goboleedka Galmudug bishii October ee sanadkii hore.

“Tani waa fariin ku socota aduunka oo muujinaysa in dawladda Maraykanku ay si adag uga soo horjeedo khatar kasta oo lagu hayo shacbigayaga” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Obama oo amarka hawlgalkaasi bixiyey.

Kooxdan qaaday hawlgalkan xooga ah ee lagu soo furanyo labada qof oo ka tirsan Navy SEAL unit ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii dilay hogaamiyihii Alqacida Osama Bin Laden sanadkii hore weerar ay ku qaadeen guri uu ku jiray oo ku yaala Pakistan, sida ay Reuters u sheegeen Saraakiil ka tirsan Maraykanku.

Sidoo kale xoghayaha Difaaca Maraykanka Leon Panetta ayaa cadeeyey in aan askartoodii hawlgalka qaaday aanay waxba kaga dhiman hawlgalkaasi, isla markaana

Buchanan iyo Thisted oo ahaa laba qof ee la soo badbaadiyey ayaa loo duuliyey dalka Djibouti, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada Milatariga Maraykanka, isla markaana ah Saldhiga ugu weyn ee Faransiisku ku leeyahay Qaarada Afrika.

Hay’adda Gaashaan dhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa sheegtay in aanay wax cadayn ah u haynin in Budhcad baddeeda Somalidu ay xidhiidh la leeyihiin Islaamiyiinta Mayalka adag, waxaanay ku qeexeen in kooxdaasi ay ahayd oo kaliya Budhcad Baddeed.

Budhcad Somali ah ayaa inta badan xeebaha Indian Ocean-ka iyo Gacanka Cadmeed ka afduuba Maraakiibka iskaga gooshaysa marinkaasi, isla markaana ka qaata lacago madaxfurasho, hase yeeshee afduubkan budhcad baddeedu ku afdubeen shaqaalahan gargaarka ayaan ahayn Kiis inta badan budhcad baddeedu ay fuliyaan oo ka baxsan Badaha.

Dawladda Maraykanka iyo Faransiiska ayaa muddooyinkii u dambeeyey soo faragaliyey inay xoog kaga soo furtaan dadka lagaga afduubo badaha, hase yeeshee weerarada ay ku qaadaan saldhigyada budhcad badeeda ayaa ah kuwo naadir.

Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Denmark Villy Sovndal ayaa shalay sheegay in caafimaadka mid ka mid ah la haystayaasha la soo furtay uu liitay, taas oo keentay in Maraykanku talaabo ka qaadaan.

Dadka u dhuunta daloolay la haystayaashan ayaa sheegay in horaantii bishan Buchanan ay la soo darseen xanuun ka hayey Kalyaha, taas oo aan helin daryeel caafimaad intii la haystay, isla markaana ay daruuri noqotay inay hesho daawayn wax ka badan laba Todobaad.

“12 Diyaaradaha helicopters ee Maraykanka ayaa ku sugnaa Galkayo. Waxa aanu uga mahad celinaynaa dawladda Maraykanka inay talaabada ka qaadan budhcad baddeeda oo ah Maafiyo dhibaato ku haysa nabadgalyada deegaanka iyo dhaqanka” sidaa waxa yidhi  Mohamed Ahmed Alim, hogaamiyaha Maamul Goboleedka Galmudug oo Reuters u waramayey.