Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2884

January 26, 2012                                                                Rabi'al-Awal 03,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Ganacsato Beeniyay Inaanay Ku Jirin Kooxda Ganacsatada Ah Ee Eedeyanta Usoo Jeediyay W/Maaliyada, Sheegayna In Magacyadooda Laga Been Abuuray

“Waxaanu Leenahay M. Xaashi Cilmi Waa Mujaahid Usoo Halgamay Dalkan, Xurmo Iyo Sharafna Ku Leh Bulshada, Wixii Cabasho Ee Qofku Tabanayo-Na Waanu Naqaanaa Xeerarka Iyo Habka Loo Maro”

Hargeysa, January 26, 2012 (Haatuf) - Qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland ayaa beeniyey war ay baahiyeen qaar ka mid ah saxaafadu, kaas oo ku saabsanaa koox ganacsato ah oo eedayn ka dhan ah Wasiirka Maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi usoo jeediyay oo sheegayay in dhawaan lagac cashuur ah ay wasaarada Maaliyadu ku kordhisay sharaabka dibadaha laga keeno, isla markaana cid gaar ah u xidhay suuqii sharaabka, taas oo ay qaar ka mid ah ganacsatu sheegeen inaanay ka mid ahayn kooxda eedayntaasi u jeediyay Maxamed Xaashi Cilmi, isla markaana laga been abuuray magacyadooda oo aanay ku jirin liis ganacsatada  eedayntaasi ujeediyay.

Saddex ka mid ah ganacsatada oo shalay Haatuf soo gaadhsiiyay qoraal ay kaga hadlayaan inaanay ku jirin kooxda ganacsatada ah ee eedaynta usoo jeediyay Wasiirka Maaliyada, iyaga oo intaa ku daray in magacyadooda laga been abuuray, waxaanay sheegeen in Maxamed Xaashi Cilmi dalka uu u soo halgamay, isl markaana ummada dhexdeeda sharaf iyo qadirin ku leeyahay. 

Qoraalkaas ay arrintaas ku beeninayaan in magacyadooda laga been abuuray waxa uu u dhignaa sidan:-“Hadaanu nahay ganacsatada hoos ku qoran waxaanu aad uga xunahay been abuurka nalagu sameeyay shirkadahayaga magacyadooda, kaas oo aanan waxba ka ogayn kuna war helay jaraa’idka ogaal cadadkiia 1561 kaas oo ku qornaa eedayn loo sameeyay Eng Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirka Maaliyada, eedayntaas oo ah inuu iska horkeen siyaasadaysan oo ganacsi uu wado.

Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa iyadoo aanu nahay ganacsato ka awow ka awow soo kala dhaxlayay ganacsiga aanu ilaa imikana ku dhex jiro, aqoon farabadana u leenahay xeerarka habka loo maro wixii cabasho ah ee uu qofku tabanayo haday dhibaato jirto, waxaanu beeninaynaa in aanan ku jirin eedayntaas ee magacyadayada laga been abuuray. Waxaananu leenahay Maxamed Xaashi Cilmi waa nin muwaadin ah una soo halgamay dalka in bada, xurmo iyo sharafna ku leh bulshada, ninkii hadaba eedaynayaa kaligii ha eedeeyo.

Jaraa’idkana waxaanu leenahay ha ka fiirsadaan qoraalada been abuurka ah ee loo soo gudbinayo ee dad aan meeshaba joogin magacyadooda la isticmaalayo

Magacyada ganacsatada beeninaysa

  1. Shide Xaaji Diiriye

  2. Mubaarik Siciid Cige

  3. C/llaahi Xaaji Aadan Faarax