|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2884 |
January 26, 2012 Rabi'al-Awal 03,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Maareeyaha W/Biyaha Hargeysa Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Biyo Yaraanta Caasimadda, Duruufaha Dhaqaale Ee Ku Gadaaman Iyo Mashaariic Lacag Badani Ku Baxayso Oo Biyaha Lagu Balaadhinayo “Hargeysa Waxa Maalintii Soo Gaadha 10,000mc, Waxanay Biyo Kaga Haqab Beeli Kartaa Hadii La Ha Helo 20,000mc, Maalinkasta Mishiinada Biyaha Soo Saara Waxa Ku Baxa 30 Foosto Oo Shidaal Ah” Ibraahin Siyaad Yoonis Hargeysa, January 26, 2012 (Haatuf) – Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta keentay in biyuhu wada wada gaadhi waayaan dhamaan caasimadda Somaliland, kaas oo xusay duruufo ku gadaaman in Magaaladu hesho biyo ku filan, waxaanu ku sababeeyey arimahaasi dhaqaale yaraan ka jirta dalka, isla markaana saamayn ku yeelatay in biyo ku filan caasimadu hesho. Ibraahin Siyaad Yoonis waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay xafiiskiisa ku siiyey Wargeyska Haatuf, kaas oo kaga hadlay arimo door ah oo Ay ka mid yihiin Mashruuc biyaha Hargeysa lagu balaadhinayo oo ay ku bixi doonto lacag lagu qadaray 21 Malyan iyo saddex boqol oo kun oo doolar, Mashruuca kale ee Hay’ada Bisha Cas ee Imaaraadku ka wado deegaanka Xumbo-wayne oo ay ku samaysay 12 Ceel lana filayo inay dhawaan Caasimadda soo gaadhi doonaan, xuquuqda shaqaalaha hay’adiisaas iyo arimo kale oo khuseeya biyaha caasimadda dalka ee Hargeysa. Ibraahin waxa uu tibaaxay inay dadaalo badan oo ay sameeyeen intii uu xilka hayey ay suurta galisay inay guulo badan ka gaadhaan dhinaca biyo qaybinta Hargeysa. Ugu horayna isaga oo Ibraahin Siyaad ka hadlaya xaalada biyo qaybineed ee Caasimadu halka ay marayso, waxa uu yidhi “Alxamdulilaah Xaalada biyo qaybineed ee Caasimadu runtii aad ayey u wanaagsan tahay, sidaynu wada ognahayna Hargeysa waxa iskugu timid dhamaan bulshadii Somaliland oo dhan inaguna Itaalkeena waynu iska butuluqsanaa oo System-kii yaraa ee Chines-ku inoo sameeyey ayuun baanu wax ku wadnaa, laakiin waxaan qirayaa in biyaha Hargeysa maanta maalin ay ka wanaagsan yihiin aanay jirin, marka aan leeyahay maalin ay ka wanaagsan tahay xaga biyo badnida maaha ee waa marka aan ka hadlayo xaga System-ka, isla markaana aan sidoo kale ka hadlay sida ay hawlaha Wakaaladu u socdaan sida Daynta iyo xiliga ay shaqaaluhu mushaharkooda qaataan”. S: Waxa jira oo aan indhaha laga qarsan Karin in biyo yaraan baahsani ay ka jirto inta badan Caasimada dalka, markaa arintaasi miyaanay kuu muuqan? J: Waxa aanu samaynay oo aan xooga saaray mudadii aan xilkan hayey inaanay dhicin wax cilad ah ama biyuhu u joogsadaan oo si fiican ay u socdaan biyo soo saarku, maalintii aan xilka la wareegay 22 saacadood ayey Mishiinadu shaqayn jireen, markaa maanta Alxamdulilaah Mishiino cusub ayaanu samaynay oo hadii uu mid istaago lagu badalo, saacadihii shaqadana hal saac ayaanu ku darnay, isla markaan Mishiinada hal saac ayaanu bakhtiinaa oo 11-ka ilaa 12-ka ayaanu yar bakhtiinaa. Hadana dadaalkasta oo aanu la nimaadno caasimadii oo balaadhatay awgeed wax badan oo biyaha ma soo kordhin karno, laakiin rajooyin badan oo aanu qabno ayaa jira Insha Allaahu-na mustaqbalka dhaw inaanu ka baxno ayaanu rajaynaynaa. S: Halkuu marayaa Mashruucii lacagta badani ku baxaysay ee Midawga Yurub ugu deeqeen S/land si loo baladhiyo biyo galinta caasimadda dalka ee Hargeysa? J: Waa run oo wuu jiraa Mashruucaasi waxaanu ahaa 21 Malyan iyo saddex boqol oo kun oo doolar, isla markaana Midawga Yurub ayaa Somaliland ku caawiyey markaa imika ogolaansho ayuun bay bixiyeen ay leeyihiin Mashruucii biyo balaadhinta Caasimadda Hargeysa ee 21-ka Malyan ahayd waanu sii daynay oo lacagtaas waanu ogolaanay, markaa sida aanu rajaynaynay nin baa iman lahaa Midawga Yurub ka socda oo aanu Mashruuca iyo hawlaha la diyaariyey isla eegi lahayn. Markaa maadaama oo waxani aanu gacanteena ku jirin, isla markaana ay leeyihiin ilaa March ayaanu hawshaa galaynaa rajo-wayn ayaanu ka qabnaa in hawshaasi si dhakhso ah u fusho. S: Mashruucii kale ee biyo soo saarista ahayd ee Bisha Cas ee Imaaraadku deegaanka Xumbo-wayne ka waday, halkuu isagu hada ku danbeeyey? J: Hawshaasi Bisha Cas ee Imaaraadku deegaanka Xumbo-wayne ka wadeen hada way socotaa oo meel fiican ayey maraysaa, oo waxaanu rajaynaynayba inuu ka soo horeeyo Mashruuca Midawga Yurub. Qolada Bisha Cas ee hawsha ka waday deegaanka Xumbo-wayne si fiican ayey u socotaa 12 Ceel ayey dhamaystireen Mishiinadiina way keeneen, makhsinadiina way ka duldhiseen, isla markaana 12-kii Ceel way isku xidheen oo Wajigii hore ee hawsha ayaa intaa ku dhamaaday. Wajiga labaad oo ahaa in Beebabkii Magaalada biyaha keenayey in la soo dhigo ayuun baa hadhsan,markaa sida qorshuhu yahay wafti ayaa iman doona oo Wajiga koowaad ee hawsha Xadhiga ka jari doona, markaas ka dib ayaa hawsha kalena la dhamaystiri doonaa. S: Biyaha Hada soo gaadha Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waa imisa hada? J: Caasimadda dalka ee Hargeysa waxa maalintii soo gaadha 10,000 Mitir Kuyuub, hadii si kale loo dhigana waxay noqonaysaa 50,000 Foosto, sida imika rajadu tahayna waxa aanu Xumbo-wayne ka rajaynaa ilaa 7,000 Mitir Kuyuub, inay ka yimaadaan, taas oo iyaduna lagu qiyaasay inay maalintii ka yimaadaan ilaa 35,000 Foosto. Markaa hadii 50,000 iyo 35,000 ee Foosto ay yimaadaan waxaanu aad u rajaynaynaa in Hargeysa badideedu ay biyuhu wada gaadhi doonaan. S: Wali ma qiimayseen qadarka lacageed ee ku baxaya hadii la is yidhaahdo Hargeysi biyo ha ka haqab beesho, biyo intee leeg ayeyse caasimadda dalku u baahan tahay? J: Ma jirto marka ugu horaysa cid ku odhan karta intaas ayaa ku baxaysa biyaha caasimada, laakiin waxa ay ku xidhan tahay Alaabta aad isticmaalayso. Qoladan Midawga Yurub marka ay qiimaynayeen biyaha Caasimadda inta ku bixi doonta heerka Yurub ayey u qiimeeyeen, hadii aynu nidhaahno waar alaabta Yurub qaali-nimadeeda inaga daaya oo aynu alaabta ka soo iibsano China waxa suurta gal inuu qiimuhu yaraado, markaa qiimayn sax ah oo lagu qiyaasayo baahida Caasimada oo la leeyahay qiimahaas ayaa Hargeysa biyo ku filan siinaya oo sax ahi ma jiro. Imika waxaan xafiiskaygan ku haynaa oo Files-kaas ku jira Qorshihii Caasimadda biyaha lagu wada gaadhsiin lahaa oo dhan, isla markaana Ceel walba halka laga qodayo iyo Beebabka galayaa inta ay yihiin iyo noocooda oo dhami halkaas ayey noo yaalaan. Markaa waxa aanu is leenahay hadii si dhab ah loo fikiro waa la yarayn karaa qiimaha, tusaale ahaan qolo African 70 la yidhaahdo qiimayn ay samaysay oo Midawga Yurub maalgaliyey waxa ay ku sheegeen 132 Malyan oo doolar in Hargeysa biyaha lagaga haqab tiri karo, laakiin anigu waxaan aaminsanahay in 132 Malyan ay lacag badan tahay oo in ka yar lagu habayn karo. Hadii Mashruucan Midawga Yurub maalgalinyo kan Bisha Cas ee Imaaraadku ay isku soo gaadhaan Hargeysa waxa xaqiiq ah in xataa Magaalooyin kale aynu biyo siin karno oo meel walba biyuhu ay ka dhacaan. Dhinaca kale hadii aynu waxyar ka sharaxno biyaha caasimada dalka ee Hargeysi baahan tahay, waxaynu dib u yar milicsanaynaa Dunida Saddexaad (Caalamu Saalis) waxa daraasadii ugu danbasay ee la sameeyey ay sheegtay in qofku uu maalintii 35 Litir oo biyo ah uu u baahan yahay. Hargeysi waxa ay maanta u biyo kaga haqab beeli lahayd hadii la helo ilaa 27,000 Mitir Kuyuub, waa marka laakiin aynu heerka caalamiga ah gaadhsiino, laakiin hadii aynu inagu ku salayno sida aynu ku xisaabtano oo xaafad walba inay biyuhu gaadhaan la rabo hadii biyaha Hargeysa ay heshaa ay gaadhaan 20,000 Mitir Kuyuub wa ay inagu filan tahay, markaa baahida maanta Caasimadu u qabto waa hadii aynu helno intaas. S: Maxaad ku sababayn lahayd Shaqaalaha Wakaalada ee wakhtiga xad dhaafka shaqeeya ee labada galinba soo noqdo, baahida keentay maxay tahay ayaad odhan lahayd? J: Hawshaasi waxay ku timid anaga oo u danaynayna Shacbigayaga oo Wakaalada biyaha iyo Wasaaraduhu isku mid maaha, waxaana aad u mihiim ah oo waxay qabtaan iyo waxa aanu qabanaa aad ayey u kala duwan yihiin. Waxa laga yaabaa oo dhacdaba in Wasaaradaha la fasaxo maalinta Jimcaha oo kale, 18 May oo kale iyo munaasibado faro badan markaa anagu maalin walba waanu shaqaynaa oo maalinta Jimcaha ee dawladda oo dhami ay fasaxa tahay anaga waa maalinta noogu adag oo waanu shaqaynaa, oo maalintaa fasaxa guri waliba biyihii uu isticmaali jiray kuwa ka badan ayuu isticmaalaa maadaama oo ciyaalkii loo maydhayo oo dharkiina la maydhayo oo Tusaale ahaan adigu odhan maysid maanta waa Jimco biyo uma baahni oo biyuhu waa shayga labaad ee binu-aadamku u baahan yahay oo waxa ka horaysa Hawada oo kaliya, markaa sidaas ayaanaan u nasanin. Hadii aan dhinac kale ka eegno anagu waxaanu nahay Hay’ad dakhli ururineed oo maalintii waxa Mishiinada biyaha soo saara ku baxa 30 foostoo shidaal ah, markaa marka maalin kasta intaas oo shidaal ah nalaga doonayo maalinta la fasaxo shaqaalaha dawladda anagu waanu ka naxnaa oo kuma faraxno, markaa si kasta oo ay tahay waxaanu ku dadaalaynaa inaanu Macmiilkaygiina ilaalino shaqaalahaygana aanu dhawrno, oo sharciga shaqaalaha dawladda u yaalaa waa in qofkii shaqaalaha ahaa uu 8 saacadood uu shaqeeyo, markaa anagu 8-dii saacadood ku dadaali waynay inaanu ka badino oo 7-da subaxnimo ayey shaqaalahayga qaar ka mid ahi soo galaan 12-ka duhurnima-na way ka baxaan, markaa hadana waxay dib u soo galaan 4-ta galabnimo oo lixda fiidnimo ayey rawaxaan. Laakiin sada ay u badan yihiin shaqaalaha Wakaalada biyaha ee Hargeysa waxa ay shaqada soo galaan 7:00:00 subaxnimo waxaanay ka baxaan 2:00:00 duhurnimo, markaa sidaa ayaanu u kala qaybinay anaga oo eegayna danta bulshada iyo xuquuqda shaqaalahayga, oo aniga oo maamule ahiba salaada Casar halkan ayaan joogaa ilaa Makhribkana waan ka baxaa. Markaa ma jiraan saacado dheeraad ah oo aanu shaqaale ku kordhinay oo aanu ku nidhi khasab ku shaqeeya, taasina waa mid ay shaqaaluhu raali ka yihiin oo ay nala qaateen. S: Musuq-maasuqii inta badan ka dhexjiri jiray xarumaha dakhli ururinta dawladda, oo sida ii muuqata hada aad Technology-yadaha casria ah ee qarnigan 21-aad dunidu inticmaasho inaad kula tacaasheen arintaasi ma jirtaa? J: In aaladaha casriga ahi ay yareeyeen Musuqii iyo waxyaabihii la khaldi jiray waxaan kuugu cadaynayaa imika intii aanu System-kan cusub ku shaqaynaynay oo aniga oo Xafiiskayga fadhiya aan xafiis kasta shaqada ka socota aan halkan kala socdaa waxa ay keeneen in dakhligii sanadkii hore iyo kan hadu uu aad u kala badan yahay. Maareeye ahaan waxaan aad ugu dadaalay oo xataa galinka danbe inaan soo noqdo keenay inaan shaqaalaha la samayno la xisaabtan joogto ah, taas oo keenaysa in qofkii shaqaalaha ahaa uu shaqadiisii si hagar la’aan ah u guto isaga oo is leh waxaad khalado waa lagugula xisaabtami doonaa oo ninkii shaqaalaha ahaa imika wuu baqanayaa. Cadaadis ma saarno shaqaalahayaga laakiin waxaanu shaqaalaha kula doodnaa waxa aad xaq qaranka ugu leedahay in Mushaharkaaga 28-ka bisha aad hesho, isla markaana hadii aad wakhti dheeraad ah shaqayso aad guno fiican hesho, adigana ha lagaa helo wax xaq laguugu leeyahay, run ahaantiina arintaasi waa mid aanu ku guulaysanay. Markaa Xafiis walba waxa aanu Kamaradaha ugu samaynay inaanu ogaano imisa qof ayaa xafiiskaas fadhiyo, isla markaana imisa qof ayaa maqan, xataa waa mid aan si dhib yar u ogaan karno hadii uu khalad sameeyo qofka shaqaaluhu. S: Ma kuu muuqataa in aad shacbiga caasimada ku dhaqani ay aad uga cawdeen adeeg xumo ama shaqo xumo oo aad taas ku mutaysateen dhaliil faro badan? J: Intii aanu samaynay Systems-ka cusub ee aanu isku daynay inaanu dar-dar galinay adeegyadii bulshada loo fidinayey way yaraadeen cabashooyinku, laakiin kolay binu aadam ayeynu nahayoo wax way khaldami karaan, laakiin waxa mihiim ah khaladkaas ma saxday oo tusaale ma u noqday inaanu khaladkaas oo kale dib u dhicin. S: Ma jiraan wax caqab ah oo idinka hor taagan Waajibaad badan oo aad gudan lahaydeen? J: Way jiraan caqabado badan oo marmarka qaar naga hor yimaada, laakiin caqabada ugu wayn waxaan ku sababayn karaa biyaha oo ku yar magaalada, taas oo ah wax naga baaxad wayn oo aanu kalidayo ku filanahay inaanu Hargeysa biyo ku filan aanu hada soo saarno, waxaanu laakiin xooga saaraynaa inaanu daadaal badan la nimaadno intii karaankayaga ah oo aanan dadkayaga waxba ka hagranin. Biyo yaraanta caasimada ka jirtaana maaha arin hada xataa ay dawladda dhexe ku filan tahay marka loo eego dhaqaalaheena iyo waxa Hargeysa u sahlaya biyo ku filan. Caqabada ugu wayn ee ina haysata ee biyo yaraaneed waa in dadku fahmaan in Caasimadii dalku ay aad u waynaatay, isla markaana biyaha laga keenayo meel aad u durugsan, Tusaale ahaan Magaaladda Boorama la yidhaahdo biyihii way u dhaw yihiin oo Burco oo kale Magaaladda dhexdeeda ayaa biyihii laga soo saaraa, laakiin dhibaatada Hargeysa haysataa waa meesha ugu dhaw ee biyo laga keeni karaa waxay u jirtaa 25KM, taas oo ay buuro iyo dooxyo ka soo sokeeyaan oo ay hawl adag tahay buurtii sidii loo jabin lahaa ee Beebkii loo soo dhexmarin lahaa. Markaa dhamaan caqabadahaas oo dhan Ilaahay ayaanu waydiisanaynaa inuu wax nagala qabto, rajooyin badana run ahaantii waanu qabnaa, waxa kale oo jira arin iyaduna aanu dhibaato kala kulano oo ay ka mid tahay marka uu Doolarku kaco oo kale saamayn badan nagu yeesha maadaama oo lacagta aanu qabanaynaa ay tahay Somaliland Shilings, imika laakiin aad ayuu u fiican yahay shidaalkuna inuu sidaa noo ahaado waanu iskaga rayn lahayn.
|