|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2884 |
January 26, 2012 Rabi'al-Awal 03,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Deegaanka G/Salal Oo Ay Aafeeyeen Jahliga Iyo Caafimaad Daradu Yaa Ka Masuul Ah” Aqoonyahan Maxamuud X. Cali Gobolka Selel ayaa waxa ku gadaaman duruufo farabadan oo arrimaha bulshada la xidhiidha, isla markaana salka ku haya baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha Bani’aadamka lagama maarmaanka u ah, waxaana ka mid ah arrimahaasi:- Dhinacyada Biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Shaqaalaha, Abaaraha iyo Qaxootiyada. Saddexdii Xukuumadood ee soo maray Somaliland 20-kii sanadood ee ay jirtay waxba kamay qabanin haddii ay tahay adeegyada Horumarineed ee bulshada ee aan kor ku so sheegnay. gobolku wuxuu ku yaalaa dhul oomane ah, marka laga yimaado shan ceel oo isticmaarkii Ingiriisku qoday mooyee 20-kaa sanadood waxay hirgalisay Somaliland hal Ceel, ilaa imikana waxa jira meelo badan oo baahiyo biyood ka jiraan, isla markaana dad iyo duunyaba baahi weyn ay u qabaan. Sidoo kale dhinaca Waxbarashada lagama yaqaano gobolka Salal, waayo macalimiin u diiwaangashan muddadaa labaatanka sanadood ah ma jiraan, balse sanadkan Xukuumadu waxay qoshaysay 12 macalin in la diiwaangaliyo, waxa kale oo gobolka ka dhisan dugsiyo hoose, laakiinse cidi ma dhigato sababtoo ah dadku waa reer guuraa, taasina may helin Waxbarashadii xaq ay u lahaayeen dadweynaha gobolku, isla markaana baahida gobolka ee dhinaca Waxbarashada laba iyo toban Macalin oo kaliya ma dabooli karaan. Dhinaca baahida Caafimaadka ee gobolka waa mid aad u liidata, ma laha Umulisooyin, Dhakhtar guud oo baadha Xanuunada kala duwan, khatarta ka jirta baahidaas Caafimaad waxa jira in dumarka uurka leh marka ay waayaan gurmad degdega ah inay isku go’aan, taasina muddooyinkii u danbaysay way ka jirtay deegaanka, meel kale oo Somaliland ah kamay dhicin arrintaasi Salal mooyee. Xaga shaqaalaha haday tahay iyo haday Ciidamada tahay-ba marka laga hadlo shaqaalaha waxa sanad walba la qoraa shaqaale cusub gobolkana haba yaraatee wax laga qoray ma jirto, taas oo la geeyo shaqaale aan u dhalan gobolka iyagana aan waxba lagaga darin shaqaalahaasi, haday noqoto xaga ciidanka qaranka waxa dhawaan la qoray ku dhawaad 80 qof, oo dadka deegaanka 14 qof oo kaliya laga qoray inta kale deegaanada kala ka soo jeedaan, ciidanka qaranka afartii sarkaal ee aanu lahayn mid wuu dhintay saddexdii kalena buulkay ku jiraan. Abaaraha gobollada kale ka dhacay ee looga gurmaday gobolka Selel wax mucaawinooyin ah oo soo gaadha intii ay abaaruhu ka socdeen ma jirto oo ilaa hada ay ka socdaan. Sidoo kale qoxootiga waa gobolka ay ku soo noqdeen qoxooti ka kala yimid Itoobiya iyo Jabuuti markii ay waayeen cid dibu dajin u samaysa waxna u qabata noloshuna ku adkaatay ayay dib ugu noqdeen xerihii qoxootiga ee ay ka yimaadeen, intii noqon kari waydayna waxay ilaa hada ku sugan yihiin Tuulooyinka Cabdiqaadir, Xariirad iyo meelo kale iyagoo aan cidina waxba u qaban. Ta kale ee gobolka waxaan ka jirin isku xidhkii laamaha dawlada iyo dadka deegaanka sida:- Isu-duwayaaasha, waxa jirta in Wasiiro gaadhaan oo socdaalku tagaan gobolka, balse aanay ogaan xaalada dhabta ah ee ka taagan deegaankaasi. Hadaba dadka deegaanku waa Somalilander, isla markaana cashuurtu aanay ku baaqan ee bixiya, taasoo jirta ayaa maamulka gobolku ku hayaa bulshada cabudhin, oo marka ay isku yimaadaan waxgaradka iyo cuqaasha deegaanku oo ay shirar kaga tashanayaan arrimahooda waxa ka soo horjeesta maamulka gobolka, waxayna ku tilmaamaan Jabhad duulimaad ku ah Jabuuti, sidaa darteed Xukuumada Somaliland waxa looga fadhiyaa in baahiyaha kala duwan ee gobolkaasi ku gadaaman si degdeg ah inay wax uga qabato oo gobolku gobollada kale ee dalka la soo gaadhsiiyo dhinacyada baahiya aasaasiga ah ee noloshu ku fadhido.
|