Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2884

January 26, 2012                                                                Rabi'al-Awal 03,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Furayaasha Horumarka

Buugan oo uu qoray qoraaga da’da yar ee Aadam Maxamuud Maxamed (Adam widhiidh) waa buug xambaarsan waayaha kala duwan ee nolosha, Waxana uu qoraagu buugan ugu magacdaray  furayaasha horumarka, Q.17AAD …………………………………..

1:waa in aad u fadhiisatid si raaxo ku jirto.

2:waa in aad qalbigaaga ka saartid wixii walbahaar ah.

3:waa inaad isku dabcisid suunka iyo wixii la mid ah.

( hoos u eeg beyjka ku xiga)

((ku noolow saamaxaad,ku noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha))

4:waa in marmarka qaarkood indhaha intaad isku qabatid aad iyo aad u neeftuurtid.

5:waa in aad fadhiisatid meel ka fog qaylo iyo waxyaabaha la mida.

6:waa in aad dhaqdhaqaaqa faraha badan iska yaraysid.

7:waa in aad cidna la hadlin.

8:waa in aad cuntada yaraysatid waayo haddaad badsatid oxygen-tii maskaxda tagi lahayd ayaa caloosha tagaysa , markaasaad caajisaysaa.

Waxa hubaal ah in dadkii taariikhda xun adduunyada kaga tagay hadday sidan u fikiri lahaayeen in ay guuleysan lahaayeen sida:{{ adolf hitler, joseph stalin, benito mussoline, saddaam xuseen, siyaad barre }}.

Haddii aad ku dhaqaaqdid mushkilada

In aad ku xaliso arrimaha aynu soo

Sheegnay waxaa hubaal ah in aad

Tallaabo hore u qaadaysid.

Haddaba walaalkayow isku day in aad isticmaashid qodobadaa waad

Guuleysan doontaa.

((ku noolow saamaxaad,ku noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha))

FURAHA 6AAD:KU SABIR WADADA

sabirku waa halbawlaha shay wal oo la qabanayo, sabirku waxa uu uga taagan yahay arrimaha halka uu madaxu uga taaganyahay jidhka, sabirku waa hoyga halyeeyada adduunyada, lama arag adduunka nin libaaxa haddii la arkayna waxa uu ku mutaystay halyeeynimada adkaysi iyo u dhabar adayg uu u dhabar adaygo dhibaatooyinka soo maraya, haddaba adduunka lama arag cid bilaa sabir ah oo guuleysata, dhammaan tujaarta caalamkuna 97% ayaa ku helay lacagtooda dadaal iyo dhabar adayg, oo aan iyagu ka dhaxlin xoolaha waalidkood, waxa ka mida hayal saciid oo yamani ah , kuwa dhaxalka ku helayna 3% ayey ka yihiin kuwa dadaalka ku helay, intabadanna warwar ayaa ku furan kuwa dhaxalka ku hela taqriiban 92%, soomaaliduu iyagoo tilmaamaya ninka sabra ayaa waxa ay yidhaahdeen (( sabraa sadkii hela )).

Nebigeena muxammed C.S.W waxa uu sabrayay mudda aad u dheer. Dadkanaa waxa ay dhibaatadu uga kala badantahay sida uu iimaankoodu u kala culusyahay.

Nebiguuna isaga oo ah ninkii jin iyo insiba uga ragannimada badnaa ayaa haddana kolba gu,a lagu ceejinayay, mandheer dusha laga saarayey, dhagax la la dhacayey, god lagu tuuray, dhoolihiisii la jejebiyey, la sumeeyey, oo la caayey oo aanay jirin wax lola hadhay haddana wuu ku sabrayey nebigu C.S.W.

((ku noolow saamaxaad,ku noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha))sidoo kale asxaabtii nebiga oo iyagana sidaa soo kale loo dhibayey haddana ku sabrayey, waxaanad ka garanaysaa halkaa inuu sabrigu yahay jaamacadda halyeeyada, uuna gaadho qofkii sabraa bal taariikhda oo ah macalin aad iyo aad u qiimo badan dib ugu noqo, sida taariikhda nebiga C.S.W iyo saxaabadiisii, sidoo kale taariikhdii culimda muslimiinta sida imaamu axmed , ibnu taymiyah,

maxamed binu cabdil wahaab. Iyo rag kaloo farabadan.

Sidoo kale waa inaad ku sabirtaa cilmiya iyo dhigashadisia waxa uu yidhi asmaci (( qofka aan u dul qaadanin dulliga waxbarashada saacad, waxa uu waligii ku baaqi ahaadaa dulliga jaahilnimada )).

Sidoo kale wuxuu yidhi ibnu kathir:(( imaamu axmed waxa la xaday maryihiisii isaga oo jooga yaman, markaasuu iska fadhiistay gurigiisii, albaabkiisiina waa uu iska ceshaday waxa waayay ardaydii markaas ayaa ay daydayeen, kadib ayey heleen oo ay waraysteen,

Lasoco...