|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2884 |
January 26, 2012 Rabi'al-Awal 03,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Siirada Saxaabada Rasuulka (scw) Taariikhda Asxaabiga Wayn Ee ABUU CUBEYDA BINU AL-JARRAAX Amiinkii Umada Nabi Muxamed (scw) Q.3AAD Sifooyin kii wanaagsanaa ee Abuu Cubayda: Haddaba, Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax muu ahayn oo keliya amiin, balse wuxu amaanada ku darsaday quwad iyo adkeysi xeeldheer oo dhinaca diinta ah, taasina waxan ka arki karnaa wax ka badan hal jeer. Mar waxay ahayd markii uu Rasuulka (scw) diray koox ka mid asxaabta si ay uga hortagaan safar ay lahayd qureysh, wuxuna Rasuulka (scw) kooxdaasi amiir ama madax uga dhigay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Allaha ka raalli noqdee, wuxuna sahay ahaan u sii siiyay harag (maqaarka neefka adhiga, wax baana lagu radin jiray waagii hore) ay ku jiraan timir, maxaa yeelay mauus u awoodin waxaan ka ahayn intaas. Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxu raggii la socday siinayay maalin kasta mid kasta oo saxaabada ka mid ah xabbad timir ah, markaasuu qof weliba muudsanayay xabbaddii timirta ahayd, sida uu ilmaha yari u nuugo naaska hooyadii. Sidaas ayuu qof kasta sameenayay maalin kasta, isaga oo xabbadaas timirta ah ku cabbi jiray biyo, wayna ku filnaan jirtay maalintoodaas, iyada oo aan halkaa ka fahmi karno halka ay gaadhsiisan tahay rafaadka iyo dhibaatada ka soo gaadhay dagaalkaas, xittaa waxa kale oo la sheegaa in ay xiitaa saxaabadii markii danbe ay dani ku qasbtay in ay cunaan caleemaha geedaha, gaajo awgeed. Sababta ay uga dhaceen foolashiisii hoose: Markii la soo gaadhay dagaalkii maalintii Uxud, markii la jebiyay ciidamadii muslimiinta, mushrikiintiina ay billaabeen in ay dhawaaqaan iyaga oo leh “na tusiya Muxammad, na tusiya Muxammad”. Wakhtigaas iyada ah, wuxu Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Ilaah ha ka raalli noqdee ka mid ahaa tobankii dagaal yahan ee isku soo gadaamay Rasuulka (scw) si ay uga difaacaan warmihii ay soo tuurayeen mushrikiinta. Markii uu dhammaaday dagaalkii Uxud, wuxa Rasuulka (scw) laga jabiyay dhooshiisa, sidoo kale waxa la dakhray dhafoorkiisa, koorarkiisana waxaa ka gashay labo birood oo ka mid ah miqhfarkii (koofiyadaha madaxa iyo wejiga qariya ee dagaalka waqtigaas la gashan jiray). Waa dhaawac halis ah lehna xanuun badan. Waxaa xaggii Rasuulka (scw) soo aaday Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo doonaya inuu ka soo siibo bidhihii Rasuulka ka galay kulleetagiisa.. Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax ayaa ku yidhi Abuubakar “Ilaah ayaan kugu dhaarinayaaye inaad ii dhaafto ka soo bixinta anniga”, sidiina ayuu abuubakar ugu dhaafay.Abuu Cubeyda wuxu ka cabsaday haddii uu ku soo siibo cidiyaha gacantiisa, in uu xanuujiyo Suubbanaha Rasuulka (scw), sidaa darteed wuxu birtii ugu horeeyay midkood ku qaniinay foolashiisii afarta ahaa weliba qaniinyo iyo qabasho daran oo sugan, sidiina ayuu birtii ku soo siibay, inkastoo ay dhacday foolkiisii hoose. Haddana markale ayuu foolkiisii kale ee hoose ku qaniinay birtii kale, kadibna wuu soo siibay, waxana kasoo dhacday foolkii kale ee hoose. Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxu yidhi “wuxu Abuu Cubeyda ahaa afloowihii ugu fiicnaa dadka”, maxaa yeelay waxay ka dhaceen isaga oo ka siibaya birihii ku jiray Rasuulka (scw). |