Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2884

January 26, 2012                                                                Rabi'al-Awal 03,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Manchester City Oo Markale Ganaax Culus Ku Riday Carlos Tevez Oo Amar La’aan Ugu Duulay Argentina

Weeraryahanka Kooxda Manchester City Carlos Tevez ayaa lagu helay danbi ah in uu jabiyay sharuucda kooxda waxana laga ganaaxay mushaharkiisa muddo lix todobaad ah ka dib markii uu fasax la’aan isaga duulay  dalka Argentina. 27 jirkan ayaan u ciyaarin kooxda lagu naanayso (Sky Blue) ee Manchester City tan iyo markii uu diiday in uu isku diyaariyo kulankii Champions League ee bishii September dhexmaray Bayern Munich iyo Manchester CIty, waxana  ka cadheysiiyay kooxda Ingariiska, maqnaanshihiisa wakhtiga dheer ee Argentina tan iyo bishii November, waxana haatan uu raadinayaa inuu kooxda ka tago bishan January. “Anaga oo ka jawaabeyna wararka la isla dhexmarayo, kooxda waxa ay xaqiijineysaa in Tevez lagu helay danbi ah in uu jabiyay sharcuuda kooxda, iyada oo dacwadiisa la dhageystay 21kii December, waxana la ganaaxay lix todobaad” ayuu yidhi  sida lagu daabacay wakaalada wararka ee Reauters. “Carlos ayaa damcay in uu racfaan ka qaato go’aanka, racfaankiisana waa laga diiday, waxana uu haatan heystaa ilaa 30ka bishan January  inuu ku sameeyo racfaankiisii ugu danbeeyay. Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Manchester  City, masuuliyiinta  may sheegin lacagta lagu ganaaxay, inta ay legtahay, lakiin waxa la ogsoon yahay in Tevez uu qaato todobaadkii 200 kun ginni. Tevez ayaa lala xidhiidhiyay in uu ka tagayo Manchester City iyada oo ay xiiseynayaan kooxaha AC Milan, Inter Milan, iyo Paris St-Germain, lakiin Manchester City ayaa si cad u sheegtay in ayna weli aqbalin heshiis qiimo dhimis ah ama mid amaah ah toona.  Gudoomiyaha kooxda Khaldoon Al Mubarak ayaa warbixin adag oo uu so saaray waxa uu ku daabacay wargeyska ka soo baxa Abu Dhabi, isaga oo sheegay in Tevez uu kooxda ku sii negaan doono hadii la waayo koox ku haboon oo iibsata ka hor bishan. Waxa uu xaqiijiyay in ay wadahalo la yeesheen kooxaha Inter iyo PSG, halka uu digniin u soo saaray AC Milan oo uu ugu baaqay in ay joojiyaan hadalada ay sii sheeganayaan ee ku aadan heshiiska ciyaaryahanka. “Carlos waxa uu noqon doonaa ciyaaryahan qandaraas kula jira Manchester City labada sanno iyo badh kale. Ilaa aan ka helno dalab nagu qasbaya in aan iska fasaxno” ayuu yidhi. “Inter Milan iyo Paris St Germain waxa ay nagala  hadleen ciyaaryahanka si wanaagsan, markasta way fiican tahay in lala xaajoodo dadka soo mara wadada toosan”