Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2884

January 26, 2012                                                                Rabi'al-Awal 03,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Arsene Wenger Lagu Daray Liiska Tababareyaasha Badali Doona Tababare Mourinho

Tababare Arsene Wenger ayaa ku jira liiska labada tababare ee u sharaxan in ay Real Madrid ka u bedelaan tababare Jose Mourinho. Sida lagu sheegay wargeyska ka soo baxa gudaha  Ingariiska ee Daily Mail. Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low ayaa ah musharaxa kale ee isna loo tixgelinayo shaqadaasi ka dib markii la sheegay in Mourinho uu xidhiidh xun kala kulmay ciyaartoyda iyo madaxda kooxda lagu naanayso (Los Blancos) ee Real Madrid. Tababaraha reer Portugal oo 48 jir ah ayaa Salaasadii  sheegay inuu ku faraxsan yahay Madrid, waxana uu beeniyay in uu qosheynayo in uu ka tagayo Santiago Bernabeu dhamaadka xilli ciyaareedkan.  Balse Daily Mail ayaa sheeganeysa in Wenger oo iska diiday in uu Real Madrid qabto 2009kii ay kooxda hogaanka u heysa La Liga u arkaan in ay haatan tahay xilligii ugu fiicneyd ee ay ka dhaadhicin lahaayeen in uu London ka soo wareego madaama uu ku dhibtoonayo Arsenal. Kooxda Gunners ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, waxana ay shan dhibcood u jiraan kooxda kaalinta 4aad ee Chelsea, taas oo la micno ah in u soo bixitaankeeda Champions League uu halis ku jiro. Waxa sidoo kale uu shaki ku jiraa mustaqbalka ciyaaryahankiisa xiddiga ah Robin van Persie, iyada oo Manchester City ay dooneyso in ay la wareegto weeraryahanka reer Holland. Madaxweynaha kooxda Real Florentino Perez ayaa rajo ka qaba in uu ku soo jiito Arsene Wenger Champions League joogta ah, iyo lacag badan oo uu qakhashgereeyo si uu ula tartamo kooxda Barcelona.