|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2884 |
January 26, 2012 Rabi'al-Awal 03,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Xaalada Suuqa Ciyaartoyda Iyo PSG, Oo Markale Cadaysay In Aanay Xiise U Qabin Kaka Iyada oo uu dhamaad ku dhowyahay wakhtiga loo xadeeyay furnaashaha suuqa ciyaartoyda ee qaarada yurub waxa ilaa hada wararka suuqu sheegayan in ay jiraan ciyaartoy badan oo guur guur samayn doona inta uu furan yanay suuqa kala iibsiga ciyaartoydu. ENGLAND: Kooxda Sunderland ayaa la soo wareegtay 19 jirka Enoch Balotelli, oo ah ciyaaryahan ay walaalo yihiin laacibka Manchester City Mario, waxana uu ciyaaryahankan tijaabo haatan u marayaa kooxda lagu naanayso Black Cats. Wrarkana waxa daabacay warygeyska Daily Mirror. Kooxda Chelsea ayaa iyaduna ku dhow in ay la soo wareegto ciyaaryahanka 20 jirka garabka uga ciyaara kooxda Racing Genk ee dalka Belgiumka Kevinde Bruyne, waxana Blues lasheegay in ay kula soo wareegeyso 8.5 milyan ginni ka dib wadahadalo labada kooxood uga socda London, sida lagu daabacay wargeyska Daily Express. Kooxda Aston Villa ayaa laga yaabaa inay si bilaasha h isaga fasaxdo 34 jirkeeda weerarka ka ciyaara Emile Heskey xagaaga marka la gaadho, halka kooxda Liverpool ay dalab u dirsatay ciyaaryahanka lagu qiimeeyo 15ka milyan ginni ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda Udinese iyo xulka Chile Mauricio . Kooxda Liverpol ayaa sidoo kale la rumeysan yahay in ay wadahadalo la furtay kooxda FC Groningen oo ku aadan weeraryahankeeda 20 jirka ah David Texeira, iyada oo tababare Kenny Dalglish uu doonayo in uu howlgalo maalmahan ka hadhay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. Sidaasi waxaa daabacday Metro. Esteban Granero waxa uu mustaqbalkiisa boqolkiiba boqol u hibeeyay Real Madrid kumana biiri doono Liverpool bishan, sidaasi waxa laga soo xigtay wakiilka ciyaaryahanka 24 jirka ah. Sida lagu daabacay wargeyska International Bussiness Times. Kooxda Galatasaray ayaa ku guuldareysatay in ay la soo wareegto ciyaaryahankii diirada u saarnaa kooxda Manchester United Xherdan Shaqiri, 20 jirkan basaha uga ciyaaraa kooxda Basel. SPAIN: Kooxda PSG ayaa meesha ka saartay mar kale inay u ku hawlanyihiin ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Ricardo Kaka, tababare Ancelotti ayaa la rumeysnaa in uu ciyaaryahankan xiiseynayay. Sida lagu daabacay wargeyska kasoo baxa caasimada Spain ee Marca. Dhanka kalena Kooxda Sevilla ayaa u ogolaatay ciyaaryahankeeda Cacares in uu si amaah ugu biiro kooxda Juventus.
|