|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2884 |
January 26, 2012 Rabi'al-Awal 03,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Alessandro Del Piero Oo Ka Caawiyay Juventus In AyU Gdubto Semi-finalka Copa Italia Xidiga sida wayn looga qadariyo magalada Turin ee iyo kooxda lagu naanayso duqda gabowday Alessandro Del Piero ayaa wali ku raaxaysanaya goolal dhalinta kooxda Juventus. Gool uu dhaliyay Alessandro Del Piero ayaa ka caawisay kooxda Juventusa in ay seddex gool iyo waxbka ku garacaaan kooxda Roma wareega 8aad ee Copa Italia, waxana kooxda Turin ka dhisan ay weli sii wadataa rikoodhkeeda ku aadan in aan weli dhinaceeda dhulka la dhigin xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.Del Piero ayaa shabaga Roma meel sarre ka geliyay kubada markii ay ciyaartu socotay sodon daqiiqo, ka dib goolkii uu Emanuele Giaccheini uu ku furay ciyaarta daqiiqadii 6aad. Shaqada Roma ayaa ku sii adkaatay markii uu casaan ka qaatay Erik Lamela ciyaarta oo 20 daqiiqo ka hadhsanyihiin, ka hor inta aanu gool iska dhalin Simon Kjaer, taas oo la micno ah in kooxda heysata 9ka jeer Copa Italia ay u gudubto semi-finalka. Halyeeyga reer Juventus Del Piero ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool ku dhaliya seddexda garoon ee ugu danbeeyay ee ay Juventus ku ciyaarto. Kooxda Juventus ayaa daaha ka qaaday Juventus Arena bishii September ee sannadkii hore, iyaga oo hore ugu ciyaari jiray Olimpico iyo Stadio della Alpi. |