Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2885

January 27, 2012                                                                Rabi'al-Awal 04,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Ciidamada Qaranka Oo Dhirbaaxo Kulul Huwiyey Maleeshiyo Weerar Ku Soo Qaaday, 21 Ka Mid Ahna Kaga Dilay Oo Maydadkooda Loo Qaaday Buhoodle Iyo Cali Khaliif Oo Meel Uu Jaan Iyo Cidhib Dhigay La Layahay

Maleeshiyada Nabad-diidka Waxa Dagaalkaasi Kaga Dhintay Ninkii Maalgalinayey Oo Magaciisa Lagu Sheegay Buule

Hargeysa January 27, 2012 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan duleedka Buhoodle ayaa dhirbaaxo kulul huwiyey Maleeshiyo beeleed Somaliland diid ah oo ka soo jeeda deegaanka Buhoodle oo weerar daandaansi ah shalay galab ku soo qaaday Ciidamada Somaliland, kuwaas oo laga dilay in ka badan 21, halka dhaawac ka badan sodomeeye loo qaaday Buhoodle.

Dagaalkan oo ka dhacay Tuulada Sool-joogto oo ku taala duleedka Buhoodle abaaro 3:00 galabnimo ee shalay kadib markii Ciidamada Qaranka Somaliland oo fadhiisin halkaasi ku lahaa ay weerar ku soo qaadeen Maleeshiyadaasi, kuwaas oo Ciidamada Qaranku ay cagta mariyeen, isla markaana u baacsadeen dhinaca ay weerarka ka soo qaadeen ee Buhoodle.

Xiliga ay weerarka ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka ayaa la sheegay in socdaal ay ku yimaadeen Magaalada Buhoodle koox uu wato Cali Khaliif Galaydh oo ka soo kicitimay Taleex, kaas oo ilaa iyo hadda aan la garanayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Ilaa hadda Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo socday ilaa gabal-dhacii ayaa la sheegay in maleeshiyada Buuhoodle ay kaga dhinteen 21 qof kagana dhaawacmeen 35, kuwaas oo Maydadkooda iyo dhaawacyadooda xalay loo soo daadgureeyay Cusbitaalka Buuhoodle, halka Ciidamada Qarankana la sheegay in dagaalkaasi ay kaga shihiideen 4 Askari iyo 2 dhaawac oo la keenay Burco.

Ilo wareedyo aanu ka helnay dad goob joog ku ah Buudoodle ayaa sheegay in Ciidamada Qaranka iyo Maleeshiyadaasi Nabad-diida ahi ay gudaha Buuhoodle isla soo galeen, kuwaas oo gabalku ugu kala dhacay dhinaca bari iyo dhinaca galbeed ee Magaaladaasi, waxayna wararka ka imanaya halkaasi intaa ku dareen in kooxda maamulka kaga dhawaaqay Taleex ee socdaalka ku soo gaadhay Buuhoodle ay shalay galab dib uga kolonyaysteen kadib markii dagaalku qarxay, waxayna wararku intaa raaciyeen in Maleeshiyaad ay wateen kooxda Khaatumo uu mid ka mid ah ilaaladooda rasaasi ka qaraxday halkaasna ku dhaawacay saddex qof, kuna dhintay hal qof oo ka mid ahaa dadkii soo dhawaynayay kooxdaasi oo uu hogaaminayey horjoogaha kooxda Khaatumo Axmed Karaash, hase yeeshee Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ahaa kooxdaasi Buuhoodle soo gaadhay shalay ayaa la sheegay in la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, kaas oo tibaaxuhu intaasi ku darayaan inaan ilaa hada la ogayn meel uu uga baxay magaalada Buuhoodle oo uu ku sugnaa galinkii hore ee shalay.

Dadka kaga dhintay dagaalkaasi Maleeshiyada Buhoodle ayaa la sheegay inuu ku jiro Ganacsadihii maalgalinayay oo lagu magacaabo Buulle oo maydkiisa xalay la keenay magaalada Buuhoodle, iyadoo warar aanu ka helnay xalay saacadihii danbe Buuhoodle ay noo sheegeen in mid ka mid ah saddexdii hogaamiye maamul ku sheega Khaatumo uu ku dhaawacmay dagaalkaasi gudaha Buuhoodle layskula galay.