|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2885 |
January 27, 2012 Rabi'al-Awal 04,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wasaaradaha Daakhiliga Iyo Deegaanka Oo Fiintu Kala Dhexmiranayso Iyo Agaasimaha Horumarinta Reer Miyiga Oo Wasiir Duur Ku Eedeeyey Sharci Jabin Hargeysa, January 27, 2012 (Haatuf) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer miyaga ahna ku simaha Wasiirka wasaaradaas Maxamed Faarax Xirsi ayaa ka hadlay amar la sheegay inuu wasiirka daakhiligu ku amray ciidanka bilayska inay xabsiga u taxaabaan isaga sheegay in arintaasi jirto, isla markaana ku tilmaamay amar qayrul sharci oo aanu Wasiirku awood u lahayn inuu bixiyo. Maxamed Faarax waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu wargeyska Haatuf xalay ku siiyey khadka tilifoonka, kaas oo uu tafaasiil kaga bixiyey halka uu salka ku hayo khilaafkan soo kala dhexgalay wasaaradaha Daakhiliga iyo Deegaanka, kana hadlay shaqaale ka tirsan wasaarada deegaanka oo uu ku jiro Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka ee gobolka Maroodi Jeex Yuusuf Colaad Seed oo Amar uu wasiirka daakhiligu bixiyey xabsiga loogu taxaabay. Maxamed Faarax Xirsi waxa uu xusay in talaabada uu qaaday wasiirka arrimaha guduhu Maxamed Nuur Caraale (Duur) ay tahay mid sharciga baal marsan, tibaaxayna inaanay dhaqanka wasiirka uga joogsanayn hawlihii ay ka wadeen deegaanka Dacar-budhuq ee degmadda Laasgeel ee gobolka Maroodi Jeex. Dhinaca kale Arinta wakhtigan keentay khilaafka oo ah warshada Hargaha iyo Saamaha ee Dacarbudhuq ayaa waxa hore uga hadlay Wasiirka Caasimaadka Somaliland Dr. Xuseen Xoog, kaas oo ka dayriyey khatar caafimaad oo ku gadaaman deegaanka Dacar-budhuq. Sidoo kale mar aanu isku daynay inaanu arintan wax ka waydiino Wasaarada daakhiliga maadaama oo uu Wasiirkii safar shaqo dalka kaga maqan yahay ayaanay noo suurta galin. Ugu horayn Agaasimaha deegaanka Maxamed Faarax oo arintaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Amarkaa Taliyaha uu siiyey Wasiirka Daakhiligu ee uu yidhi ha la soo xidho Agaasimaha deegaanku waa amar jira, Wasiirka laftiisuna arin uu dafirsan yahay maaha taasina waxay u taalaa Madaxda naga saraysa oo Marjac ayaanu leenahay oo hadii ay Madaxda dalku is qabtaan waxay leeyihiin Marjac, awooda uu Wasiirku sheeganayaana waa Awoodii Madaxwaynaha, markaa arintaas waxaan u arkaa arin aanu xaq u lahayn Wasiirku oo uu ku dagdagay, waxaanan ka war sugaynaa Madaxda naga saraysaa sidii ay runta noogu kala sheegi lahayd kaayaga khaldana khaladkiisa loogu qaadi lahaa. Anigu waxaan ahay agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka, isla markaana ah ku simaha wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, waxaana aniga ii yimid ninka hogaanka saadka ee bilayska wuxuu igu yidhi Jananka bilayska ayuu wasiirka arimaha guduhu soo amray oo uu ku yidhi Maxamed Faarax soo qabta iyo shaqaalihiisa iyo gaadiidka dawladda-ba waxaan ku idhi wax qoraal ah miyaad ka sidaa waxa uu igu yidhi qoraalkii Jananka ayaa loo dhiibay oo haya, waxaan ku idhi aniga wasiir ima xidhi karaa miyuu Madaxwaynuhu idin soo faray ama waaran Maxkamadeed ma sidataan markaa idinku dib iskugu noqda ayaan ku idhi sharciyada dalka waxani ma ogolee. Markaa taliyihii Saadka ee la ii soo diray ayaa dib u noqday oo wasiirkii ku yidhi dee wasiir anaguna waanu ognahay oo sharciyadu ma ogola oo digreeto ayaa la idinku wada magacaabee maxaanu samaynaa, markaa arintu waa wasaarad wasaarad la mid ah qabsatay, laakiin waxaanu ka warsugaynaa Marjacaga oo aanu iskula tagaynaa”. Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Anagu waxaanu ka mid nahay Wasaaradaha dalka ka jira, Wasaarada horumarinta reer miyiga iyo deegaankuna dalka shaqay u qaabilsan tahay, waxaananu dalka u qaabilsanahay arimaha reer miyiga iyo deegaanka. Xeer ay ku dhisan tahay oo ay ku shaqaysana way leedahay oo la yidhaa Xeerka ka hortaga xaalufinta iyo ilaalinta deegaanka Xeer Lr 04/98 oo baarlamaanka dalka iyo Madaxwaynuhuba saxeexeen”. Maxamed Faarax mar uu ka hadlayey arinta khilaafka keentay, waxa uu yidhi “Warshada Hargaha iyo Saamaha anagu ma xukuno ee waxa xukunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Warshadahaasina deegaan ayey ka dhisan yihiin waana laba warshadood, labadooduna isku waxbay qabtaan waana isku Kiimikal oo dooxa ayey labaduba ku agyaalaan. Anagu sababta aanu meesha u tagnayna waxay ahayd meel dooxa waxyar u jirta ayey ilaa dhawr iyo tobon dhaam ka qodeen, taas oo biyihii roobku marka ay ku dhacaan dooxa wayn ee Dacarbudhuq ku soo ridaya, meeshana dad iyo xoolaba way dagan yihiin, markaa wasaarad ahaan iyo maamulka degmadaba cida markii ugu horaysay u soo cabatay dadkaas ayey ahaayeen, waanu tagnay meeshii oo waa la soo sahamiyey, wasaarad ahaan waxaanu ogaanay doorka aanu ku leenahay inay tahay inaanu ka hadalno khatarta deegaanka iyo dadka ay ku leedahay suntan dibada la iskaga soo daadinayaa. Waxaanu go’aansanay Wasaarad ahaan inaan dibada la gaynin Sunta laga qaado Warshadahaas, walibana iyada oo laga qoday meelo aan ku haboonayn bahaladaasi”. Agaasimuhu mar uu ka hadlayey waxa xiligan soo dadajiyey khilaafka, waxa uu yidhi “Ajanabi ma jiree waa booyado suntan qaada oo Soomaali wado, meesha waxa taala Digreeto uu qoray Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer miyigu, shaqaalahanina dambi may galine Digreetadaa Wasiirkoodu qoray ayuun bay u hogaansameen inaan dhaamamkaa wax sun ah la gayn Karin. 23-kii bishoo November ayuu wasiirku qoray warqadaas oo meeshaa la xayiray, mudadaasna way xayirnayd, markaa waxa maanta soo kiciyey wasaarada Daakhiliga iyada oo aan waxba arintaas naga soo waydiin oo wax qoraal ah aan noo soo dirin inay subax kaliya wada xidhxidho shaqaalihii wasaaradda oo meesha ay ka baxdo warqadii uu wasiirka la midka ahi qoray waa ayaan daro, wax qoraal ahna aanu samaynin ee uu afka ka soo amray bilayska oo shaqaalihii dawladda ee amarka wasaarada ku shaqaynayey in la iska soo xidhxidho waxaan u arkaa sharci daro. Ciidamada bilayskuna waa kuwo wasaaradaha u dhex ah, Wasiirka Daakhiliguna waxa uu muujiyey in Ciidanku isaga oo kaliya ay ka amar qaadanayaan waxa uu idhaahdo soo xidhxidhana ay xidhayaan, hadii arintaas wax laga qaban waayana dee wasaarad ahaan maba shaqayn karno oo waxa meesha ka baxaysa wada shaqayntii naga dhaxaysay”. Maxamed Faarax isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Wasaaradda deegaanka iyo wasaaradda arimaha guduhu waa laba wasaaradood oo Madaxwaynuhu wada magacaabay oo isku mid ah laakiin kala shaqo ah, waxaanu wasiirka daakhiligu hada fasaxay in meesha suntan lagu soo shubo oo shaqaalahaygiina halkaas lagu xidhxidho. Wasaarad ahaana shaqo ayaanu leenahay shaqadayaduna maaha mid u joogsanaysa talaabada qayrul sharciga ah ee uu sameeyey Wasiir Duur”. |