Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2885

January 27, 2012                                                                Rabi'al-Awal 04,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Galdaloolooyinka Ka Muuqda Heshiiska Ururka Solja Ay La Galeen Xukuumada

Hargeysa, January 26, 2012 (Haatuf) - Heshiiska dhawaan dhexmaray ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo masuliyiinta wasaarada warfaafinta oo ay ku sheegeen in heshiis ay ku wada gaadheen xukuumada sidii loo dhaqan galin lahaa Xeerka Anshaxa Saxaafada ee Xeer Lr 27/2004 ayaa waxa ku jira qodobada ay isla qaateen oo qodobo ay calaamatul su’aal saarantahay oo la odhan karo waa kuwo ay waajib ku tahay xukumadu inay ku dhaqanto, balse aan baryo iyo wada xaajood gali Karin.

Tusaale ahaan ku dhaqanka xeerarka dhaqangalka ah ee golayaasha Baarlamaanku ansixiyeen, isla markaana Madaxweynuhu digreeto dhaqan gal ah ku soo saaro sexeexooda, haddii xukuumadu u dhaqan galin waydo qodobada ay xambaarsan yihiin xeerarkaasi, waxay taasi noqonaysaa sharci jabin, sidaa darteed sharci dhaqangal ah heshiisyo lagama gali karo fulintiisa.

Ta kale qodobka ay ururka SOLJA iyo masuuliyiinta wasaarada warfaafintu ay isla qaateen ee galdalooladu ka muuqato ayaa waxa ka mid ah:- qodobka ay ku sheegeen in wixii ka dhiman xeerka saxaafada ee dhaqan galka ah xeer Lr 27/2004 wixii lagu darayo ay saxaafadu talo ku yeelato, taas oo ah arrin shaki badani ka iman karo, isla markaana u baahan in la cadeeyo sababaha iyo baahida keentay wakhtigan xaadirka ah in lagu tilmaamo xeerkaasi mid qabyo ah.

Dhinaca kale ku dhaqan la’aanta xeerka Saxaaafada ayaa isagu u baahan in Looyar sharciyeed loo qabto oo arrintaasina waa mid ay hogaanka SOLJA ilaa hadda ilduufsan yihiin, isla markaana u baahan in saxaafadu u dhug yeelato muhiimada ay u leedahay dhaqangalinta xeerkaasi.