|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2885 |
January 27, 2012 Rabi'al-Awal 04,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wariyaha Caanka Ah Ee Dan Damon Oo Hargeysa Ka Tabiyey Barnaamijka BBC-da World Update, Kuna Falanqeeyey Horumarka S/Land Iyo Lacagta Xawaaladaha Ee Bangiyada Maraykanku Xayireen “Ma Jiro Wadan Aqoonsaday S/Land, Taasina Kamay Joojin Horumarka Ay Ka Sameeyeen Dhinacyada Dhaqaalaha Iyo Siyaasada” Wariye Dan Damon Hargeysa, January 27, 2012 (Haatuf) – Wariyaha caanka ah ee Dan Damon oo ka tirsan idaacada BBC-da ayaa markii ugu horaysay Hargeysa ka tabiyey Barnaamijka BBC-da ka baxa ee BBC World Update, kaas oo inta badan lagu falanqeeyo arimaha ka taagan dacalada dunida, isla markaana ah Barnaamij si wayn looga dhagaysto guud ahaan caalamka. Barjaamijkan ayaa shalay si toos ah looga tabinayey xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxaana Dam Damon ku wehelinayey oo la daadihinayey Wariyaal badan oo ay ka mid yihiin Mary Harbour oo Soomaalidu si weyn u tagaano, C/risaaq Xaaji Maxamed Siraad, Axmed Siciid Cige, Arday ka tirsan Jaamacada Hargeysa iyo xubno kale oo BBC-da ka socda oo farsamo yaqaano u badan. Barjaamijka BBC World Update ee sida tooska ah shalay looga tabinayey Magaaladda Hargeysa ayaa waxa iyaguna ka qaybqaatay shaqsiyaad badan oo ku kala filiqsan dacalada dunida, kuwaas oo uu ka mid ahaa Madaxa shirkadaha Dahabshiil C/rashiid Maxamed Siciid, kaas oo khadka tilifoonka barnaamijkaas kaga qaybqaatey, isla markaana lagu waydiiyey su’aalo door ah. Mr. C/rashiid ayaa waxa uu tafaasiil ka bixiyey saamaynta ay dadka Soomaalida ah ku yeelatay joojinta lacagta laga soo Xawilo gobolo ka mid ah Maraykanka, kaas oo xusay inaan la ogolayn in lacag badan dalka Maraykanka ay ka soo diraan qurbo jooga Soomaalidu. Ugu horayna mar uu wariye Dam Damon barjaamijka kalmado hordhac ah ka bixiyey, kana hadlay xaalada guud ee Somaliland iyo horumarka ay samaysay, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Ma Jiro Wadan Aqoonsaday Somaliland taasina kamay joojin horumarka dhaqaalaha iyo siyaasada, dad badan oo soomaaliyeed ayaa waxa ay ku filigsan yihiin qurbaha oo ka shaqeeya, qaar ka mid ah ahi waa cay soo guryo noqdeen, balse xitaa ka hor aynu ku yara noqono xawaalaha oo dawladda maraykanku ay xidhay gudbintii iyo diridii lacagta ee Somaliland iyo Somaalida-ba”. Dhinaca kale Wariyahan ayaa waxa uu la xidhiidhay dad Soomaali ah oo jooga qurbaha kuwaas oo sheegay in qoysas balaadhan ay wadankii Somalia u joogaan. Cabdirashiid Ducaale oo ah madaxa Xawaaladaha Dahabshiil oo la mariyo badi lacagaha ugu badan ee Africa loo soo diro hadda ku sugan xaruntiisa Hargeysa, ayuu wariyuhu waydiiyey farsamooyinka ay u adeegsadaan hubinta lacagahaas iyo in waxa uu ku cadaynayo inaanay lacaguhu galin gacanta kooxaha xagjirka ah, waxaanu ku jawaabay Mr. C/rashiid “Waxa aanu marinaa jeeg garanyo kala duwan, mid waa in ID-giisa aanu ogaanaa halka qaar kalena ay haystaan baasaaboor kala duwan, sidoo kale waxa aanu isticmaalnaa hababka dhaqanka si ay noogu cadeeyaan cida ay yihiin, waxa aananu waydiinaa su’aalo qarsoodi ah si aanu u cadayno cida ay yihiin”. Wariyaha isagu daadihinayey barnaamijkaas BBC World Update Mr. Dan Damon ayaa Maamulaha Shirkadda Dahabshiil waydiiyey sida ay hada u suurta gasho qofka lacag looga soo dirayo Magaaladda Minniopolis ee dalka Maraykanka, maadaama oo dawladaasi sheegtay inay joojisay, waxaanu ku jawaabay Mr. C/rashiid Ducaale “Wali waxa wada xaajood noo socdaa baananka, waxaanan rajaynayaa in ay arintani hagaagto maxaa yeelay waa arin nolosha dadku ay ku xidhan tahay iyada oo ay jiraan Abaaro iyo macaluul iyo xaalado kala duduwan oo tiro badan oo dadka caadiga ah saameeyey, lacagta xawaalada la isku mariyaana waa arinta kaliya ee ay ku helaan caawimada ay isugu gargaarayaan”. Wariyuhu waxa kale oo uu waydiiyey ma laga heli karaa Minnesota lacag mise waa ay xaniban tahay ilaa iyo hadda, waxaanu Mr. C/rashiid ku jawaabay “Waa laga heli karaa balse lacagta la gudbinayaa ilaa iyo hadda way yartahay oo waxa la gudbin karaa Tusaale ahaan $50, $100 iyo $20”. Wariye Dan Damon waxa uu waydiiyey Maamulaha shirkadda Dahabshiil C/rashiid Maxamed Siciid hadii qof u baahdo inuu diro $4000 ama 10,000 si qof dalkan joogaa ugu iibsado gaadhi sida ay taasi u suurta galayso, waxaanu maamuluhu ku jawaabay “Taasi hubaashii way adag tahay, taasina waa sababta ay baabankani uga walwal san yihiin”.
|